Xog: Xatooyada iyo afduubka caruurta oo kusoo kordhaya magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya wararka sheegaya xatooyada caruurta iyo afduubka caruurta ku nool degmooyinka gobalka Banaadir.

Hadal heynta ugu weyn ee Muqdisho ayaa bilooyinkaan noqotay caruur badan oo la waayey, qaar la afduubtay oo la soo helay, iyo wararka sheegaya in la soo qabtay kooxo afduubta caruurta iyo haweenka.

Dhamaan sheekooyinkaas iyo dhacdooyin barbar socda ayaa sabab u noqday in waalidiin badan caruurtooda ka joojiyaan waxbarashad,a halka qaar kalane ay dantu ka kaliftay in goobaha waxbarasha geeyaan sidoo kalane ay ka soo celiyaan.

Aabe Muxumed Xasan, oo kamid ah aabayaasha Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in Gobalka Banaadir aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka ay dadkiisa wajahayaan.

“Waxay xaaladu u muuqataa in caruurta Muqdisho loo yeelo ilaalo u gaar ah, sababtoo ah ma heyno dowlad ilaaliso, anagii ma ilaalin karno oo waxay cuni lahaayeen ayaa raadis naga raba, marka waxaan ku qasbannahay in aan u sameyno ilaalo kuna biilno,” ayuu Caasimada Online u sheegay Aabe Muxumed Xasan oo ka tirsan waalidiinta Muqdisho.

“Aniga waxaa Iskuul iyo dugsi ii dhigta 4 canug, dhamaantood waan geeyaa goobaha waxbarashada waana ka soo celiyaa howl badan ayaana iiga dayacantay waana dhibaato culus,” ayey tiri Hooyo Safiyo Maxbuub oo la hadashay Caasimada Online kana tirsan shacabka Muqdisho.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Soomaaliya oo arrintaan ku saabsan waxaase sii kordhaya walaaca dhanka ammaanka oo ay wajahayaan caruurta Muqdisho.