NIGERIA oo ka cabaneysa Soomaali hubeysan oo lagu arkay xuduudaheeda

Abuja (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Badbaadada Maamulka Badaha Nigeria (NIMASA) Dr. Bashir Jamoh ayaa sheegay in burcad badeedda Soomaaliya ay hadda ka howl-galaan dhul badeedka dalkaas iyo gacanka Guinea.

Dr. Bashir ayaa hadalkan u sheegay qunsulka Korea-da Koonfureed ee Nigeria Kan Haenggu iyo safiirka Belgium Danile Bertrand oo wada-hadal taleefon la yeesha toddobaadkan, sida lagu sheegay bayaan.

Bayaanka oo cinwaan looga dhigay “Ammaanka ganacsiga badaha,” ayaa Korea iyo Belgium waxay ku ballan-qaadeen inay taageeri doonaan hay’adda NIMASA, sida uu sheegay madaxa isgaarsiinta hay’adda Philip Kyanet.

Dr. Bashir Jamoh ayaa yiri “Waxaan ogaanay inuu xiriir ka dhaxeeyo dambiyada ka dhaca baddeena iyo dhaq-dhaqaaqyada burcad badeedda Soomaaliya, oo halkan soo gaaray.”

“Waxay haystaan habab ay isaga kala gudbi karaan xeebaha Soomaaliya iyo Nigeria, ayaga oo soo maraya biyaha dalalka Galbeedka Afrika ee aan dariska nahay,” ayuu yiri.

“Xaaladaha qaar waxay xitaa soo galaan xuduudaha dhulka, waxayna kireystaan doomo u fuliya dhaq-dhaqaaqyadooda,” ayuu yiri.

Jamoh ayaa si kastaba sheegay in Nigeria ay diyaarisay qorshe ay kula soconeyso amniga badaheeda, islamarkaana uga hortageyso weerarada ka dhaca.

Inkasta oo Dr. Bashir Jamoh uu sheegay in burcad badeedda Soomaaliya ay soo gaareen badaha Nigeria, haddana illaa iyo hadda ma jiraan weeraro ka dhacay badaha Nigeria oo la xaqiijiyey inay fuliyeen burcad badeedda Soomaaliya.