DF oo fulisay ballan-qaad ay horey ugu sameysay dadka degan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka  ayaa xalay furay jidad hor leh oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Isgoysyada dhagxaanta laga qaaday oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha ayaa waxaa ka mid ah, Sanca, Jardiinka, Siinaay Folorenza, Bakaaraha, Sheekh Cali Suufi, Tarabuunka, Seybiyaano iyo kuwo kale.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah ballan-qaad ay horey u sameysay dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, walow lala soo daahay fulinta ballan-qaadkan oo ku soo aaday, xilli uu sii dhamaanayo mudo xileedka dowladda.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in dhagxaanta laga qaaday isgoys-yadaasi lagu xiray kuwa kale oo ku yaalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Meelaha la dhigay waxaa ka mid ah isgoyska Ifka Xalane, xaruntii Telefishinka oo u dhow isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo meelo oo ka mid ah Warshadaha.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Muqdisho uu ka socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogan iyo diyaar garow loogu jiro doorashada 2020/21.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada ammaanka ay qaadeen dhagxaantii ku xirneyd qaar ka mid ah waddooyinka dhex-mara degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.