Xog: Afar caqabad oo weli hor-taagan magacaabista golaha wasiirada Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) –  Tan iyo markii la ansixiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble weli kuma guuleysan inuu soo dhiso Golahiisa cusub iyadoo uu gabaabsi sii yahay waqtiga dowladda federaalka Soomaaliya, howl bandanna ay horyaalaan.

Caqabado waa weyn ayaa la sheegay in uu wajahayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kuwaas oo ilaa hadda ku horgudban Xukuumada cusub.

Caqabadaha heesta Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga imaanaya Beelaha, Madaxtooyada, Khilaafyada siyaasadda ee mucaaradka iyo muxaafadka iyo xubnaha beesha Caalamka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa hortaagan doodda beelaha oo tabasho badan qabay muddooyinkaan, rabitaanka Villa Somalia iyo saameynta mucaaradka waana adag tahay in si deg deg ah loo xaliyo,” ayuu yiri Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane oo ka mid ah aqoonyahaanka Muqdisho.

“Kaliya intaas ma ahan, beesha caalamka oo rabta in shaqo la qabto ayaa saameyn ku leh magacabiista golaha wasiirada, sababtoo ah waxay rabaan rag shaqo qaban kara si looga fogaado muddo korarsi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane.

Magacaabista wasiirada ayaa la rumeysnaa inay fududaan doonta sababo la xiriira ayada oo la rumeysnaa in lasoo celin doono wasiiro badan, hase yeeshee waxaa hadda soo baxday in la rabo in beelo badan lagu qanciyo xilal, ayna suurta-gal tahay in wasiiro hore oo badan ay baxaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 18-kii bishii September ee sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Eng Maxamed Xuseen Rooble waxaana sidaas oo kale codka kalsoonida ah siiyay 215 Xildhibaan isagoo fadhigaas ka balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad deg deg ah.