Laamaha amniga DF oo weji gabax kala kulmay kiiska LUUL iyo arrin la gudboon

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis oo aheyd Hooyo dhalinyaro ah oo korineysay caruur agoon ah kana tirsaneyd shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa u dhimatay dhaawac daran oo kasoo gaaray dab la sheegay inuu qabad siiyay nin dhalinyaro ah oo ay mar dhexe is guursadeen, kaasi oo ay hadda uur u laheyd.

Ninka dhibka geystay ayaa isna la sheegay inuu ka shaqeynayay qeyb kamid ah garoonka Aadan Cadde, wallow ay wararka qaar sheegayaan in mar dhexe shaqada laga eryay.

Ninkaan ku eedeysan inuu xaaskiisi gubay ayaa wax war ah oo rasmi ah laga helin tan iyo markii uu falkani dhacay asbuuc ka hor. Waa fal aad u argagax badan.

Qoyska gabadha oo iyagu ah cidda sheegtay inuu gabadha gubay ninkii qabay ayaa waxay sheegeen in aanay maydka aasi doonin illaa laga helayo eedeysanaha. Ninka kiiskan ku eedeysan ee gabadha la siiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Jawaabta dhacdadani waa imtixaan weyn oo horyaalla dadka degan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, si gaar ah laamaha amniga ee dowladda ayaa wajahaya tijaabo ku saabsan awoodooda ciidan, midooda xuuraanka iyo heerkooda dhex-dhexaadnimada bulshada.

Labo arrimood oo hadda muuqata ayaa labaduba dharbaaxo ku ah ciidanka dowladda, balse weli waxay leeyihiin fursado ay isku dhaqi karaan.

1. Soo qabasho

In qof loo haysto dambi heerkaas ah oo xilliga uu dhacayna asbuuc laga joogo, in aan weli lasoo qaban eedeysanaha waxay si fudud ku siinaysa heerka iyo tabarta laamaha amniga ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka caasimada ku qoran ee booliska iyo nabad-sugidda waa kuwo aad u fara badan. Wax ka badan toban kun ayaa caasimada ku qoran marka magacyada ciidankaasi la isku geeyo welina hal eedeysane oo falka loo haysto uu saameeyay gees ka gees dalka oo dhan ayaa meelna lagu sheegin waa arrin aanay dadweynuhu aad ugu qanci karin.

Waxay dhinaca kale farriin taban ka bixineysa isku haleynta dadweynaha ku qabi karaan ciidanka dowladda ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

2. Xog bixin

Afhayeennada laamaha amniga ee dowladda waxaa looga bartay inay xaaladaha sidaan u culus deg deg uga warbixiyaan, dadweynaha garab weydiistaan, xog joogta ah bixiyaan, baaris kooban oo hordhac ah keenaan oo ay dhibanayaasha u laab qaboojiyaan.

Iyada oo asbuuc laga joog markii dhacdadan dhacday inay laamaha amniga dorraad sii daayan baafin ah inuu baxsaday eedeysanihii waxay dhalisay diidmo bulsho oo xoog leh iyo ogaanshaha xirfad xumada dhanka xiriirka dadweynaha ka haysata booliska.

Baafinta waxay aheyd inay ka horeyso warbixin kooban oo la xiriirta dhacdada iyo tallaabada illaa iyo hadda qaadeen laamaha amnigu. Sida ay laamaha amniga kiiskaan u wajaheen iyo illaa hadda ogaal la’aanta shacabka ka haysta dhacdadan argagaxa leh ayaa hay’addaha amniga ee magaalada Muqdisho, si gaar ah Booliska waxay ku lumiyeen kalsoonida shacab badan.

Laakiin weli dad badan ayaa rumeysan inuu ciidanka is-bar qaban karo haddii uu hagaajiyo habka xog siinta shacabka iyo haddii uu dadajiyo soo qabashada eedeysanaha, iyaga oo ku bixinaya awoodooda ugu sareysa.

Weli shacabka ma aaminsana in aan eedeysanaha lasoo qaban karin, xilli aan weli la aasin maydkii Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis.