Maxamed Jawaari, basaaskii Al-Shabaab ee Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaaa qeybta dhuumaalaysata iyo kooxda basaasiinta, ayaa waxaa maanta soo idlaatay maxkamadeyntiisa oo muddooyinkii dambe ka socotay magaalada Muqdisho.

Garsoorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Maxamed Jawaari 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada.

Maxamed ayaa kooxda Al-Shabaab kaga biiray Jilib sanadii 2013-kii, Maxamed iyo labo kale oo ka baxsaday waalidkood dugsi diidnimo tuulada Gorgoreey ee hoostagta degmada Saakow ee Jubbada Hoose.

Waxa uu tababar ku soo qaatay Mucaskar ay kooxda ku magacowdo Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale tababar socday saddex bilood.

Jawaari ayaa tababarkaas waxaa lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo tabarkiisii kadib isaga iyo kooxdii tababarka la qaatay loo daabulay gobolka Galgaduud gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur.

Waxa u qeyb ka ahaa laba jid gal oo lagu sameeyay ciidanka Ethiopia inta u dhaxeysa Wabxo iyo Ceelbuur, Waxbo iyo Maxaas.

Sanadii 2018-kii ayaa loo soo wareejiyay qeybta Basaasida Muqdisho isgoo gabaad ka dhigtay guri uu abtigiis leeyahay kuna yaal Xaafada Saybiyaano degmada Hodan, waxa uuna ka shaqa bilaabay Baqaar lagu iibiyo Mooska oo kuyaaal suuqa Bakaaraha si uu gabaad uga dhigto.

Waxa uu jaajuusay Askar iyo dad shacab ahaa oo qaraabo ahaayeen isaga oo xogtooda u gudbiyay horjoogihisii oo joogay Jubada dhexe.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab saddex iyo labaatankii bishii November ee sanadkii 2023.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan saddex iyo tobankii bishii January, ayada oo ugu dambeyn maanta ay 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay maxkamadda ciidamada.