Laba beel oo ku loolamaya hoggaanka Banaadir: Farmaajo iyo Kheyre ma ku celin doonaan qaladkii Xasan?

By Asad Cabdullahi Mataan

Ka dib markii doorashada madaxeynaha dalka bishii Febraayo ee sanadkan uu ku guuleestay Madaxweyne Maxamed Cabdullhi Farmaajo, ayaa durbo waxaa bilaawaday ka hadalka qofkii Madaxweynaha uu u dhiibi lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, maadaama Guddoomiyaha hadda xilka haaya Yusuf Xuseen Jimcaale uu ka mid yahay kooxdii siyaasadeed iyo Xisbigii madaxweynihii hore, islamarkaana qeyb xoog leh ka qaatay olahii  madaxweynenimo ee Xasan Sheekh looga adkaaday sanadkan iyo olalahii madaxtinimo ee uu Xasan Shekeh ku noqday madaxweynaha dalka sanadkii 2012.

Iyadoo la aaminsanaa in Guddomiye Yusuf Jimcaale xilka laga qaadi doono maadaama aysan isku siyaasad ahayn Madaxweynaha cusub, ayaa hadda Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacaabay  lagu soo daray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo looga dhigay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, taasi oo daaha ka qaaday in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale lagu soo wajahan yahay ee uusan sii ahaan karin xilka, maadaama ay qaraabo dhow yihiin Wasiir Eng Yariisoow.

Kadib magacaabista Golaha wasiirada ayaa waxaa biloowday loolan adag oo ay xilkaan Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Muqdisho ay igu jiraan beesha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal oo lagu sheego inay degaan ahaan Gobolka Banaadir degto iyo beesha Waceysle gaar ahaan jufada Macalim Dhiblaawe oo iyaguna lagu tilmaaamo inay degaan ahaan degaan Galmudug. Loolankan ayaa biloowday kagada markii ay soo baxeen warar sheegaya in Taabid Cabdi oo ka dhashay beesha Waceysle loo wado in loo magacaabo Gudoomiye Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho maadaama lagu sheegaa inuu  ka mid yahay rag lagu tilmaamo Shanta Golaha Sare ee Kooxda Farmaajo, waxaana loo tiiriyaa inuu yahay qofkii ka dambeeyey in Xasan Kheyre loo magacaabo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wararka xooga leh ee sheegaya in Taabid loo magacaabi doono Guddomiyaha Gobolka oo kiciyey Beesha Galmaax oo aaminsan in kursigaan iyagu ay degaan ahaan u leeyihiin ayaa laba maalin, waxaa kulan ku yeeshay Muqdisho Hoggaamiye dhaqameedka iyo qeybaha bulshada beesha Galmaax Yoonis oo Madaxweynaha ugu baaqay inuusan xaqooda doodsiin, islamarkaana ka cawday in lagu qadiyey saamigii Beesha ay ku leehayd Dowladda Fedraalka, gaar ahaan Xukuumada magacaaban.

Caqabdaha ku hor-gudban in beesha Waceysle qaadato xilka Hoggaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mid ah:-  sharci dhowaan Baarlamaanka la marsiiyey oo dhigaya in shaqsiga hoggaanka maamulka gobol ama degaan qabanayo uu beel ahaan ka soo jeedo degaanka uu maamulayo halka Dowladda Fedraalkana lagu qeybinayo nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaalida ee 4.5,  maadaama  Taabid Cabdi uu yahay shaqi degaan ahaan ka soo jeedo Galmudug.

Caqabada kale ayaa waxaa ka mid ah: – Marka la eego sida ay xilka  Dowladda Dhexe ay u kala heystaan Beesha Waceysle iyo Beesha Wacbuudhan oo ay ka mid tahay Beesha Galmaax  ayaa la tilmaamayaa in bessha Waceysle  xilalka iyo darajooyink Dowladda Fedraalka ay ka heystaan uga badan tahay Beesha Wacbuudhan, taasi oo ay ugu wacan tahay xaqdaradii uu horey u sameeyey Xasan Sheekh oo beesha Waceysle ka dhashay.

Xilalka Dowladda Fedraalka ay ka heystaan Beesha Waceysle ayaa waxaa ka mid Wasiirul Dowlaha Madaxtooyo, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga oo ay qaraabo hoose siiyihiin Taabid Cabdi, Sedex Qunsul, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Maareeyaha Aviation-ka Soomaaliya, Guddomiyaha Baniga Ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Saadka Cidamada Xoogga Dalka, halka Beesha Galmaax oo tiro ahaan ugu badan Beesha Wacbuudhan degaan ahaana degga Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe ayaanan haba yaratee wax xil ah ka ahayn Dowladda Dhexe tan iyo markii xilkii Safiirnimo Dowladdii Xasan Sheekh ay ka qaaday  Ra’iisul Wasaarihii hore Nuur Cade oo ahaa safiirkii Talyaaniga iyo Midowga Yurub iyo Maxamed Cali Ameerika oo isaguna ahaa safiirkii Kenya oo ay labaduba u dhasheen Beesha Galmaax oo Dowladda Fedraalka, haatanna ku qalan Wasiirka cuusb ee Warfaafinta iyo Agaasimaha Guud ee Wasarada Gadiidka oo ay labaduba u dhasheen beesha Daa’uud oo  marka lagu daro Beesha Galmaax isku noqonayaa Beesha Wacbuudhan oo u dhiganta Beesha Waceysle.

Si kastaba, Taabid Cabdi ayaa waxa loo saadaalinyaa inuu noqdo Guddomiyaha Gobolka maadama uu lagu sheegayo inuu ka mid yahay rag sare  ee saameynta ku leh Madaxweyne Farmaajo olahiisiina qeyb ka soo qaatay islamarkaan saaxiib dhow la ah Ra’iisul  Wasaare Kheyre oo  qeybna ka ah olalaha Taabid looga dhigayo Guddoomiyaha Gobolka haatan qorsheynaya inuu nin Ka dhashay Beesha Galmaax doonayo inuu u magaacbo Maareeyaha Dekadda Muqdisho si  Beeshaa Galmaax loo dhaafiyo Gobolka Banadir, islamarkaana  ugu sii ood qaado damaca Taabid ee hanashada maamulka  Gobolka Banaadir oo ahaa qofkii ka dambeeyey in Madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisu Wasaaraha ka dhigo Xasan Cali Kheyre.

Haddii arrintan ay dhacdo, waxay dowladda u hogaamin kartaa afar sano oo dayacanta, maadaama beesha Galmaax ay ka mid tahay beelaha ugu degmooyinka badan Soomaaliya oo ay degaan ku dhowaad toban degmo, sidoo kalena leh saameyn dhaqaale iyo mid warbaahineed oo xooggan oo dowladda aysan ka gudbi karin.

Waxyaabaha ugu weyn ee dowladdii Xasan Sheekh fashiliyey, waxaa ka mid ahaa markii ay iska indha tirtay xuquuqda beesha Galmaax, taasi oo dhalisay in beeshan ay la gasho dagaal siyaasadeed oo dhaqaale iyo warbaahin loo adeegsaday.

Xusuusnow inta Soomaaliya ay wax ku qeybsaneyso 4.5, beel kasta waxay xaq uleedahay inay dowladda ka hesho mataalaadda ay ku leedahay. Ma ahan caqli saliim ah in wasiir iyo guddoon baarlamanka la isugu daro beel aan Soomaaliya ka degin hal degmo, haddana la iska indho tiro beesha ugu degmooyinka badan.

Su’aashu waxay tahay Farmaajo iyo Kheyre ma mari doonaan wadadii Xasan Sheekh, mise waxay garowsan doonaan inay lagama maarmaan tahay in beesha ugu degmooyinka badan Soomaaliya laga siiyo xaqa ay ku leedahay dowladda Soomaaliya, si aan Soomaaliya looga khasaarin afar sano oo kale.

W/Q: Yuusuf Aadan Gacal  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com