Sawiro: Sidee Farmaajo Loogu soo dhaweyey Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan?

Cammaan (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho ayaa caawa gaaray dalka Jordan oo la filayo inuu berri ka bilawdo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Madaxwyene Farmaajo ayaa ka dagay garoonka Diyaaradaha Magaalada Cammaan ee dalka Jordan si weyn ayaana loogu soo dhabeeyey halkaas.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka Jordan Dr. Mamduuc Alcabaadi iyo madax ka tirsan dalkaasi ayaa wafidiga Madaxwyenaha kusoo dhaweeyey garoonka diyaradaha Camaan.

Berri ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah uu u furmo shir madaxeedk midowga Jaamacadda Carabta oo la filayo inay kasoo qeybgalaan 16 Madaxweyne, wuxuuna kulankaan noqonayaa midkii ay kasoo qeybgalaan madaxdii ugu badneyd inta la xasuusto taariikhda.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada: