Laba musharax madaxweyne oo shalay kuraas ka helay doorashadii Jowhar – Xog

Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle ayaa shalay qabatay doorashada 6 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kuraasta lagu doortay magaalada Jowhar waxaa kamid ah kursiga caanka ah ee HOP#97, kaasi oo tan iyo shirkii Carta ay ku fadhisay wasiirka Gargaarka Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Dadka waxay si weyn isku weydiinayaan kuraasta shalay kasoo baxday magaalada Jowhar iyo musharixiinta laga yaabo inay codka siiyaan xildhibaanada halkaas lagu soo doortay.

Kursiga  HOP#97 waa kursiga qura ee si rasmi ah loo ogyahay halka uu geyn doono codka. Khadiija Maxamed Diiriye waxay wareysi ay mar hore bixisay ku sheegtay inay codkeeda siin doonto madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii ay mar kale soo hesho kursiga, ugu dambeyna shalay ayey soo heshay kursiga taas oo kuu sheegeysa halka uu codkaan aadi doono.

Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Xasan Cusmaan ayaa kaalin ku lahaa in Khadiija Diiriye ay mar kale kusoo laabato kursigeeda halka kooxda Farmaajana ay caawinaad la garab taagnaayeen.

Kursiga HOP#97 waxaa jira kursi kale oo mataan la ah, waana kursiga HOP#98, waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Maxamuud Seesey, mar kale isaga ayaa kusoo laabtay.

Sida caadiga ah oo ay dadkana ka war hayaan Seesey iyo Khadiija Diiriye mar walba waa isku siyaasad, labadaasi cod waxaa loo xisaabinayaa madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, iyadoo sidoo kalena ay muuqato in Cali Guudlaawe uu gacan weyn ku lahaa.

Musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa isna sidoo kale miisaan ku lahaa doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar. Kursiga HOP#005 waxaa kusoo baxay Maxamed Cumar Ceymoy oo ah wasiirka Beeraha ee HirShabelle.

Ceymoy isaga ayaa horey ugu fadhiyey kursigaan. Wuxuu ku jiray siyaasiyiintii iyagoo heer federaal ah go’aansaday inay wasiiro ka noqdaan maamul goboleedyada.

Ninkaan siyaasad ahaan waxaa loo yaqaanaa Cabdulqaadir Cosoble, wuxuuna ku jiray codadkii uu Cosoble ka helay magaalada Jowhar.

Kursiga HOP#88 waxaa kusoo baxday Dahabo Suusow oo horey ugu fadhisay kursigaan, loolan culus kama dhicin kursigaan. Dahabo waxaa la xaqiijiyey inuu taageerayey musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble.

Labadaas cod ee Ceymoy iyo Dahabo waxaa loo tiriyey musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble, waxaana la inkiri karin inuu ku taageeray madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

In Cosoble uu shalay laba cod kasoo helay magaalada Jowhar waxay Cali Guudlaawe ka yareeneysaa culeyska beeleed ee ka imaan lahaa sida uu kuraasta u maareeyey.

Kursiga HOP#52 wuxuu kamid ahaa kuraastii shalay lagu doortay magaalada Jowhar, waxaa mar kale kusoo laabatay Farxiya Maxamuud Dhaqane. Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa saameyn ku lahaa kursigaan, laakiin kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa la xaqiijiyey inay Farxiya Dhaqane taageereen.

Codkaan Farmaajo ayaa loo xisaabinayaa, inkastoo uu talo xoog leh ku leeyahay hoggaamiyaha HirShabelle.

Kursiga kale ee shalay lagu doortay magaalada Jowhar waa kursiga HOP#33. Kursigaan waxaa kusoo baxay xildhibaan Yuusuf Kabaale oo horeyna ugu fadhiyey.

Buuq kooban ayaa ka dhashay Kursigaan, maadaama uu kamid yahay kuraasta ay sida weyn u fiirsanayeen dadka kasoo jeeda Shabeellada Dhexe.

Kursigaan waa midka kaliya ee musharixiisu 100% is maal-geliyey kuraastii kasoo baxday magaalada Jowhar. Cali Guudlaawe ayaa loo arkaa qofka 100% talo ku leh codka Yuusuf Kabaale halka uu aadi doono.

Musharax gooni ah looma xisaabin karo kursigaas maadaama la xaqiijiyey inuu Yuusuf Kabaale isaga is-taageeray xagga maaliyadda.

Lixdaas kursi ayaa shalay lagu doortay magaalada Jowhar, sidaas ayeyna musharixiinta u kala heleen. Farmaajo iyo Cosoble ayaa miisaan ku lahaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah musharixiinta ugu culus xilka madaxweyaha Soomaaliya waxaa la filayey inay saameyn ku yeelan doonaan kuraasta Golaha Shacabka ee taalla HirShabelle.

Laakiin marka la eego xisaabta soo baxday maalintii koowaad ee HirShabelle ee doorashada Golaha Shacabka labadaas hoggaamiye wax natiijo ah kama gaarin, lamana yaqaano waxay taas u dhibi doonto hoggaanka Cali Guudlaawe.