KENYA oo UK u gacan gelisay wiil Soomaali ah oo ku eedeysan dembi culus

Nairobi (Caasimada Online) – Wiil Soomaali-British oo lagu magacaabo Maxamuud Siyaad Cabdixakiin ayaa laga qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo loo gacan geliyey dowladda Ingiriiska, si loogu maxkamadeeyo dalka UK.

Maxamuud Siyaad Cabdixakiin oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo da’iisa lagu sheegay 24-sano jir iyo Monteiro Mangal oo ah 21-jir British ah ayaa loo heystaa dilka Alex Smith oo ahaa wiil 16-sano jir ahaa.

Alex Smith ayaa la sheegay in ragaan oo ku hubeysnaa Toorey ay ku dileen waqooyiga magaalada London 12-kii bishii Ogosto ee sanadkii 2019-kii, iyagoo isaga baxsaday London wixii ka dambeeyey markii ay geysteen dilkaas.

Booliska Kenya oo helay xogo sirdoon ayaa labadaas wiil Axadii ka soo qabtay xaafada Kilimani oo ka tirsan Nairobi, waxaana loo gacan geliyey dowladda Ingiriiska oo aad u doon-dooneysay ragaan.

Sida uu baahiyey wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya, Booliska UK waxay weli baadi goobayaan rag kale oo labadaan nin kula eedeysan dilka wiilkaas yar, sidoo kalena dhacay gaadiid laga lahaa halka uu dilkaasi ka dhacay.

Tirada guud ee ragga dilka wiilkaas ku eedeysan waa lix nin, balse waxaa ilaa hadda la qabtay Monteiro Mangal iyo Maxamuud Siyaad Cabdixakiin oo asalkiisu yahay Soomaali.

Ragaan ayaa la sheegay in mudo ay ku dhuumaaleysanayeen xaafadda Kilimani ee suuqa weyn ee magaalada Nairobi, iyagoo baxsad ka ah cadaaladda UK, “Labadoodaba waxaa loo gacan geliyay UK si ay u wajahaan cadaaladda dembiyada ay galeen,” ayaa lagu baahiyey warbixintaan.

“Dalkeenu gabaad uma noqon doono dadka baxsadka ah. Haddii aad dembi gasho diyaar u noqo inaad sharciga wajahdo,” ayuu yiri Agaasimaha hey’adda dembi baarista booliska Kenya (DCI) George Kinoti.

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska waxaa ka dhaxeeya heshiis ay horay u gaareen oo dhigaya inay isusoo celiyaan maxaabiista iyo dembiilayaasha baxsadka ah, sidaas darteed tallaabadii ugu dambeysay ee fulista heshiiskaas ayay saraakiishu ku sheegeen dhiibista labadaas nin.