Abiy Axmed oo saamiga dekada Berbera kala hadlay Imaaraadka kadib warkii kasoo baxay Somaliland

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo sabtidii booqasha ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa inuu dowladda Imaaraadka kala hadlay arrinta Dekedda Berbera, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Imaaraadka.

Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeeshay Amiirka Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan. Wuxuuna kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dekadda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’ideysan lahayeen, madaamaa Itoobiya aysan laheen Dekad isla-markaana dhaqaalaheeda uu si weyn u saameeyey dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Wargeyska The Jordan Post oo faalo ka qoray booqashada Abiy uu ku tagay Imaaraadka ayaa sheegay labada dhinac in loo badinayo inay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin: Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda, soo afjariddiisa sidii ay isaga kaashan lahaayeen, inay iska kaashadaan horumarinta Wajaale iyo Berbera, si ay Itoobiya Dekaddaas uga faa’ideysato.

Sidoo kale waxaa la soo hadal qaaday dagaalka ay Imaaraadku ka wajahayaan Xuutiyiinta Yemen. Itoobiya ayaa hadda Imaaraadka u ogol saldhigyo ay diyaaradaheeda ka duqeeyaan fallaagada Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto.

Wargeyska waxaa kale uu sheegay Imaaraadka dhankeeda marka laga reebo saldhig ciidan ay dooneyso inay wax soo saarka beeraha Itoobiya ka faa’ideysato, ayna maalgashato beeraha dalkaas.

Itoobiya oo ka mid ah waddamada saboolka ee qarradda Afrika oo ay dadka ugu badan ku nool yihiin, sanadihi u dambeeyey waxay xiriir adag ay la lahayd dowladda Imaaraadka Carabta. Xiriirka u dhaxeeya Abu-Dabi iyo Addis Ababa ayaa xoogeystay wixi ka damneeyey markii uu Abiy Axmed hoggaanka u qabtay dalka Itoobiya.

“Abiy wuxuu Imaaraadka uu doontay taageero dhaqaale oo uu ku hormariyo adeegyada aas-aasiga ah ee Wajaale ilaa iyo Dekadda Berbera, si ay Addis Ababa ugu sahlanaato isticmaalka dekadaas,” ayuu yiri Sajid Nedin oo ka faallooda arrimaha badda cas iyo bariga Afrika.

Waxaa dhawaan la daahfuray wejiga koobaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, taas oo ay gacanta ku haysay shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka.

Heshiiska Dekadda Berbera oo soo billaambay 2016-kii wuxuu ahaa seddex geesood, iyada oo heshiiskaasi ay qalinka ku duugtay xukuumadda Somaliland.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in shirkadda DP World ay saamiga dekadda ku yeelanayso 51%, Somaliland ayaa ku yeelaneysa 30%, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay saami dhan 19%, heshiiskaas waxa uu soconaya mudo 30 sanadood ah.

Hase yeeshee, Somaliland bishii la soo dhaafay waxay sheegtay iney Itoobiya wax saami ah ku lahayn dekedda Berbera uuna burburay saamigii 19% ka ee ay lahayd.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee TV-ga Horyaal ayaa sheegay in Somaliland iyo DP World oo kaliya ay qeybsadaan faa’iidada kasoo baxda Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya aysan waxba ku lahayn.

“Saamiga shirkada DPworld Berbera la yidhaahdo waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland 35% ayay leedahay DPworld-na 65%, heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha” ayuu yiri Wasiir Shire.