Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada 6 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Kuraasta doorashadooda la qaban doono ayaa kala ah: HOP#192, HOP#094, HOP#014, HOP#121, HOP#174 & HOP#074 oo dhamaan deegaan doorashadooda tahay Garoowe.
Guddiga hirgelinta doorashada ee Puntland ayaa sidoo kale soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta doorashadooda la qabanayo.
Illaa 12 musharrax ayaa ku loolamaya lixdaan kursi kuwaas oo kala ah:- 1–HOP#192 waxaa ku tartamaya Maxamed Faarax Nuur iyo Ruweyda Maxamuud Maxamed, waxaana horey ugu fadhisay Siciido Maxamed Xasan.
2-HOP#094: waxaa u tartamaya Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Farduus Maxamed Aadan, waxaana kursigan ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Shabeel.
3-HOP#014 waxaa u tartamaya Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaana horey ugu fadhisay Sacdiya Careys Ciise.
4-HOP#121: waxaa ku tartamaya Farxiya Yuusuf Cumar iyo Nimco Cumar, ayada oo horey ugu fadhisay Canab Xasan Cilmi.
5-HOP#174: waxaa ku tartamaya Khadra Axmed Maxamed iyo Leylo Cabdi Faarax, waxaana horey ugu fadhiyey Burhaan Aan Cumar.
6-HOP#074: waxaa u tartamaya Cabdiqani Maxamuud Maxamed iyo Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, waxaana kursigan horey ugu fadhisay Ikraan Yuusuf Xirsi.