Laba nin oo u kala dhashay Britain iyo Malaysia oo lagu maxkamadeynayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhageysiga labo eedeysane oo Ajnabi ah, kuwaasi oo loo haysto inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab.

Labada eedeysane ee maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Malaysia iyo Britain, balse weli lama shaacin magacyadooda.

Eedeysanayaasha ayaa loo haysta inay sifo sharci darro ah kusoo galeen dalka iyo inay ka barbar dagaalameen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda.

Sidoo kale labada eedeysane ayaa waxaa loo haysta in mudadii ay ku sugnaayeen Soomaaliya ay geysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniinta, ayna ka qeyb galeen weeraro argagixisinimo.

Labada eedeysane ee maanta maxkamadda la horgeeyay ayaa waxay kamid noqonayaan eedeysanayaal dhowr ah oo dacwado la xiriira Shabaabnimo loo haysto, kuwaasi oo dacwadooda ay dhageysigooda billowday maxkamadda ciidamada qalabka sida.