“Laba sano ka hor waa la ila yaabanaa, balse Farmaajo ka daran ayaa kasoo socota”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xanibaadii dhanka duulimaadka aheyd ee shalay lagu sameeyay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mar hore uu ka digay in madaxweyne Farmaajo uu sidaan damacsanyahay, balse aan cidina ka dhageysan, “Labo sano kahor markii aan lahaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu soo wado iyo waxa uu maaganyahay wax aad malayn kartaan maahan ee hurdada halaga kaco waa la’ ila yaabayay” ayuu yiri Mahad Salaad.

Mahad oo qoraalkaan kusoo daabacay Bartiisa Facebook-ga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxdii dalkaan soo maamushay la ixtiraami waayo oo wadooyinka laga xirto, “Maanta soo mari maayo madaxdii xukunka ku wareejiyay in uu jidadka ka xirto, diyaaradahana kala dago. Dowladnimadii shalay sida nabadgelyada iyo dimuquraadiyada ah ay ugu wareejiyeena in loogu xoog sheegto”

Ugu dambeyntii Mahad Salaad ayaa sheegay in uu ka calinayo fariintii labo sano ka hor uu u diray shacabka, taasi oo aheyd in waxii ay soo arkeen intii uu talada hayay madaxweyne Farmaajo wax ka daran ay soo socdaan, “Mar kale ayaan idin leeyahay waxa soo socda ayaa ka xanuun badan ee talo halaga yeesho”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com