Laba wajiileynta madaxda Soomaalida marka ay xukunka joogaan iyo marka kale

Soomaaliya: Siyaasiyiintu markii ay bannaanka joogana saxaafadda madaxabannaan ayey baryan, markii ay xukunka qabsadana saxaafadda madaxabannaan ayey bur-buriyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu mucaaradka ahaa, dhowr jeer oo aan kala sheekeystay mudo xilleedkiisii hore iyo sidii ay saxaafadda isku seegeen, wuxuu ahaa nin qirsan iney farsamo xumadu dhanka Dowladdiisa aheyd.

Markale, maanta madaxweyne Xasan Sheekh kooxo dano gaar ah u socda ayaa luqunta u galinaya dagaalka saxaafadda madaxabannaan, waliba waqti casri ah, oo aaney wax badan u tari karin, kuwaas oo dhisay Gole sharci daro ah, oo ay ku collaadinayan warbaahinta, kuna bur burinayan xoriyadda hadalka ee uu fasaxayo dastuurka Soomaaliya.

Markii aan arko dagaalka madaxweynaha la galiyay ee warbaahinta madaxabannaan, waxaan ka shakiya hadalkiisa ah waxaan u socdaa doorasho qof iyo cod ah, sababtoo ah ma jiro siyaasi aan ogeyn halka dareenka shacabka loo maro in ay tahay saxaafadda madaxabannaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan lee yahay dhinaca ay kooxdaasi farta kugu fiiqday wado kaama jirto, ee dib u qiimeey danaha ay ka lee yihiin iney adiga iyo saxaafadda madaxabannan iska kiin hor keenaan.