28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

War ka cusub wiilal mataane ah oo lagu afduubtay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kusoo bandhigay laba wiil oo mataano ah, kuwaas oo la sheegay in la afduubtay.

Afduubkan labadan wiil ee boolisku soo bandhigay ayaa hore loogu eedeeyay in uu afduubtay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Afhayeenka Booliska, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay labada wiil oo lagu kala magacaabo Ibraahim Muuse Ibraahim iyo Yuusuf Muuse Ibraahim.

Afhayeenka ayaa sheegay in kiiskan loo soo qabtay hal ruux, kaasi oo haatan gacanta ku hayaan laamaha ammaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu beeniyay wararka sheegayay in wiilashan uu afduubtay xildhibaan, isaga oo sheegay in eedeysane lagu wareejinayo xeer-ilaalinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in shaqsiyaad kale oo kiiskan ku lug leh ay booliska ku raad-joogaan kadib markii muuqaallo caddeymo ah laga helay kaamirada qarsoon ee CCTV-da.

Si kastaba, boolisku faah-faahin dheeraad ah kama bixin shaqsiga lasoo qabtay iyo kuwaa kale ee lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin kiiskaan, taasoo maalmihii dambe ay sheekadoodu haysata baraha bulshada, iyagoo ehelka wiilashu ay dalbadeen in hay’adaha amniga ay kiiskooda soo fara-geliyaan.

- Advertisement -

Read more

Local News