25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

DF oo beenisay in hub ka baxay Soomaaliya la geeyey…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in hubka soo gala Soomaaliya si dhuumaaleysi ah loogu gudbiyo dalalka deriska ah. 

Wareysi uu Arbacadii siiyay shabakadda Al Jazeera Net, ayuu wasiirku ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto joojinta qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imaanaya dhanka Yemen.  

Wuxuu intaas ku daray inaanay jirin wax caddayn ah oo taageeraya eedeymaha sheegaya in dhulka Soomaaliya loo isticmaalo marin lagu sii gudbiyo hubka u socda kooxda Xuutiyiinta ama dhinacyada kale ee gobolka.

“Eedeymahani waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Ma jirto xog ama macluumaad muujinaya in hubka ka baxa Soomaaliya uu u gudbo dhanka Xuutiyiinta,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad. “Anagu waan la dagaallamaynaa sidii aan u joojin lahayn arrintaas.”

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, iyadoo diiradda saaraysa nabadda, xasiloonida, iyo iskaashi dhab ah oo dhex mara waddamada Geeska Afrika.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Yemen

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya maalmo yar kadib markii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu magaalada Qaahira wadahadallo heer sare ah kula yeeshay dhiggiisa Yemen, Sarreeye Guud Muxsin Maxamed Axmed Al-Daaciri.

Kulankaas, oo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sarsare oo labada dhinac ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. 

Labada dhinac ayaa intii uu socday wadahadalku hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo adkeynta amniga marin-biyoodyada muhiimka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Yemen.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen qorshayaal wadajir ah oo lagu xakamaynayo dhaqdhaqaaqa hubka sharci-darrada ah, kaas oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha hubeysan ee doonaya inay khal-khal galiyaan amniga labada dal iyo kan gobolkaba.

Warbixino sirdoon iyo kuwa ka soo baxay Qaramada Midoobe ayaa dhowaanahan ka digayey xiriirka sii kordhaya ee kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen, taasi oo ay qeyb ka tahay wadaagista hubka iyo tababaradda.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News