Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ballanqaad cusub u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib kulan ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Kulankan oo u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad, ayuu safiirka ku ballanqaaday in Sacuudiga uu sii kordhin doono taageerada uu siiyo dowladda iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.
Kulankan oo qeyb ka ahaa dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada.
Kulanka ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sacuudi Carabiya ka taageerto Soomaaliya iyo doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga ay mar walba la garab joogto shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.
Kulanka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maraynta Masiibooyinka, Maxamuud Macalin Cabdulle, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Daahir Guutaale iyo masuuliyiin kale.







