Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerar is-miidaamin ahaa oo xalay ay ku qaadeen gudaha xerada Jeneraal Dhagabadan Ex Nac-naca oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Al-Shabaab oo soo saartay sheegasho yaableh ayaa baahisay in weerarka uu fuliyay xubin iyaga ka tirsan oo isku soo xiray walxaha qarxa, isla markaana beegsaday gudaha xerada, uuna jiro khasaare xooleh.
Sida bayaanka lagu sheegay waxaa weerarkan ay tilmeemeen Al-Shabaab inay ku dileen ugu yaraan 23 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, balse ma shaacin magacyadooda.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in khasaaraha uu intaas ka badan karo, isla markaana bartilmaameedkooda uu u fulay sidii ay u qorsheeyeen.
Goor sii sii horreysay Taliska Ciidanka Dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in qaraxa ay ka hortageen ciidanka amniga ee ku sugnaa xerada, kuwaas oo toogtay nin isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay inuu galo gudaha saldhigga.
Ninka ayaa la sheegay inuu dhex galay askar saf ku jirtay, balse markii laga shakiyay ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada ilaalada ee xerada ku sugnaa.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ku toogtay naftiis-halige , kaas oo isku soo xiray walxaha qarxa, Ciidanka oo feejignaan buuxda ku jiray ayaa toogtay naftii-haligaha kadib markuu isku dayay in uu galo Xerada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Qaraxaasi wuxuu sababay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah Ilaalada Xerada”.
Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana amniga xaqiijinaya ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi, sida lagu caddeeyay qoraalka.
Marar badan oo hore ayay Al-Shabaab beegsadeen xeradan oo inta badan lagu tababaro ciidanka Xoogga dalka, waxaana ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay daganeyd guud ahaan xaaladda amni ee caasimada, waxaana howlgallo joogta ah ka waday ciidanka dowladda.


