Labada xildhibaan ee diidan kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayey dad badan u arkaan inay tahay fursadda ugu wanaagsan ee looga adkaan karo kooxdan oo sanado badan ay ciidamada dowladda ka guuleysan waayeen.

Hase yeeshee, laba xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka horyimid arrintan, taasi oo dad badan ka yaabisay. 

Xildhibaanadan ayaa kala ah; Cabdirizaaq Xusul oo baarlamanka kasoo gala Galmudug iyo Xasan Cabdinuur oo kasoo gala Koonfur Galbeed, horeyna ugu tartamay guddoomiyaha golaha shacabka.

Cabdirizaaq ayaa aad u qabsaday warbaahinta, hase yeeshee waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay balse aysan waraabhinta ku baraarugin Xasan Cabdinuur.  

“Madaxweynow wixii aan dowladnimo lagu wajihi karin qaab beeleed looma wajihi karee tareenka haynala qalibin,’ ayuu yiri Xasan Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, isaga oo ka hadlay arrintan.’

Xildhibaan Cabdirizaaq Xusul ayaa isna ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley ku sifeeyey kuwo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

“Macawiisley dhibaatadeeda qofkii aan hada dareemin berri ayuu dareemayaa, wax kasta oo fowdo ku bilowda dhibaato ayey ku dambey doonaan, sidii USC, waan ognahay heerka ay na gaarsiiyeen kooxo hubeysan,” ayuu yiri Xusul.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Macawiisley waan ognahay Geeley waaye, waa dad Miyi ku nool oo cadiifad qabali ah ay kicisay, waan oganahay dhibaa heysta, laakiin dowladda ayaa laga rabaa inay dhibkaas ka dul qaado.”

Arrinta yaabka leh ayaa ah in labada xildhibaanba ay ka mid yihiin kooxda madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo dad badan rumeysan yahay inuu ka seexday dagaalka Al-Shabaab iyo suurta-galnimada xiriir kala dhaxeeyey.