Muqdisho oo mar kale la hagraday – Xamza oo u abaal guday maamulihiisii hore

Waxay ku dhowdahay in magaalada Muqdisho ay noqoto goob kala xeran oo uu istaago isu socodka magaalada, waayo waxaa magaalada hareeyey cabsi xooggan oo ka dhalatay ammaandaaro weyn oo magaalada soo food saartay.  

Madaxda illaa iyo hadda soo martay midkoodna ma fahamsaneyn in magaalada ay u baahan tahay qorshe magaaleed is xambaarsan oo leh ammaan iyo horumarin wada socda kuna qotoma siyaasad ammaan oo fadhida oo leh isla xisaabtan iyo isku kormeerid.

Waqtigaan iyo Yuusuf Madaale

Toddobaadkan oo kaliya waxaa magaalada ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay askar ahayd in iyaga difaac loo doonto laakiin toodii difaaci waayey. Haddii masaajidka qeylo ka yeerto xaggee loo caraa ayaan maqli jiray.

Waxaa xaafad walba ka jira ciyaal yaryar oo dhagxaan, waraf iyo middiyo sita oo baarta qofkasta oo ay arkaan ama dayacan. Madaxda kama warqabaan dhibkan oo waxay haystaan lacago ku filan, islamarkaan waxay wataan baabuurta aan xabaddu karin oo sharciga waa sarreeyaan, waa haddiiba uu sharci jiree. 

Dowladdii Farmaajo waxay magaalada ka yareysay bistoolad leyda, oo dilka noocan ah waa yaraadeen laakiin su’aasha ayaa ah ma hawl ay qabteen oo hadda la qaban waayey ayey ku yaraadeen mise kooxdii dilalka fulineysay ayey heshiis la galeen oo hadda heshiiskii waqtigiisa waa dhamaaday? Lama yaqaan tan ay jawaabtu tahay, waxaasa la yaqaan inay magaalada dhiban tahay, dowladdaanna aysan ku talagelin inay dhibkaas wax ka qabato. 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu mar kale u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horay u soo qabtay jagadaas, kana mid ah kooxdiisa UPD. Dad badan ayaa waxay isweydiinayaan ma yahay qof fahmi kara waqtigaan waxa Muqdisho ay u baahan tahay? Mase yahay qofkii ku habnoonaa ee uu madaxweyne Xasan Sheekh xelligaan keeni lahaa?

Madaale ma aha qof cusub ee waa shakhsi la yaqaan oo tabartiisa, garashadiisa, hogaamintiisa iyo fogaan araggiisa magaalo la soo tijaabiyey, waxaana la hubaa inuu yahay Madaale yahay qof aan fahmi karin sida ay u shaqeyso magaalo casri ah, oo looga baahan yahay adeegyo bulsho oo badan, oo u baahan aqoon durugsan oo maamul iyo aragti fog oo hogaamineed leh, waayo Madaale waa oday dhaqameed ku wanaagsan inuu aroosyada iyo tacsida ka hadlo  ee maaha xirfadle sida loo hogaamiyo magaalo ay ku nool yihiin 3 milyan iyo dheeraad yaqaanno.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabay inuu beesha hadda careysan oo ah beesha degaan ahaan ka soo jeeda degaanka Muqdisho ee Galmaax Yoonis uu ka ilaaliyo inay hoggaanka Muqdisho xilligaan qabtaan, islamarkaana uu rabay inuu ilmahiisa abtiyaashood ku celiyo talada lagama waayin beeshaas rag iyo haween dhaami lahaa Madaale oo aqoon maamul iyo mid hogaamineedba leh. 

Hase yeeshee, waxaa isu kaashaday koox uu Madaale ku biili jiray xilligii hore canshuurta masaakiinta qoryaha, caanaha iyo yaanyada qorraxda ku iibiyaa xoog looga qaadi jiray oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre oo gobolka Banaadir uu uga qornaa mushaar, maantana abaalgudaya oo deyntii shalay u celinaya Madaale iyo madaxweynaha abtiyaasha wax la rabay.  

Ninbaa laga sheegay “Meel aan rabay roob ma igu eryey.” Muqdisho mar kale waa la hagraday.

W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Cali (Cadde)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.