DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib DAGAAL looga adkaaday Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaarisay qorshihii ay adeegyo caafimaad ku gaarsiin laheyd deegaanada dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa arrintaas sheegay, isaga oo ka warbixiyay qorshaha dowladda ee ku aadan daadajinta iyo bixinta adeega caafimaadka ee loogu tala-galay qeybaha bulshada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lixda bilood ee soo socota loo howl-gali doono qalabeynta isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in si xowli ah ay u socdaan dhaqaajinta , bixinta iyo fidinta adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada, islamarkaana ay ku dadaali doonaan joogteyntooda.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay wasiirku in dhinkooda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xaga caafimaadka ee loogu tala-galay dadka ku barakacay abaaraha saameynta daran ku yeeshay dalka.

Toddobaadyadii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa laga qabsaday deegaano hor leh, ayada oo dagaalka ka dhanka ah kooxda ay xiligaan qeyb ka noqdeen qabaa’iilo dhowr ah oo kaalin muhiim ah ka ciyaaraya doorka xoreynta dalka iyo howl-galada ay wadaan ciidamada.