Labadii sarkaal ee ONLF looga afduubay Nairobi oo lasii daayay kaddib go’aan geesinimo lahaa !!!

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ayaa si weyn lagu soo dhaweeyey laba sargaal ee kala ahaa Sulub Cabdi Axmed & Cali Cali Xuseen (Calidheere) oo kamid ah Gudigii Wadahadalka Jabhada ONLF & Dowladda Ethiopia ee ay gogasha fidisay dawladda Kenya.
Xubnaha oo sanadkii Sanadki 2013 dawladda Ethiopia ka afduubtay dalka Kenya ayaa muran xoogan dhaliyay kaas oo Ururka ONLF ku adkaysteen in uusan wada hadalku sii socon karin inta laga soo celinayo labada xubnood oo kamid ahaa gudigii wada hadalka u joogay Kenya.
Dawladda Ethiopia ayaa dhankeeda qarisay diidayna in ay saxaafadda u sheegto halkay ku sugan yihiin saraakishaas oo ay iska kaashadeen xubno kamid ah sirdoonka dalka Kenya oo dhowr jeer maxkamad la soo taagay waxayna Ethiopia diiday in ay hayaan saraakishaas.
Warar hoose ayaa sheegaya in uu cadaadis kaga yimid Ethiopia meelo badan, mida ugu culusna uu yahay arinta wada hadalka oo dawlado doonayana in xal waara laga gaadho soo jiitanka dhereeday ee wada dagaalka u dhexeeya ONLF & Ethiopia oo ay ONLF diyaar u tahay markasta balse Ethiopia ay afduubtay xubnihii wada hadalka ku jiray arintaas oo Ethiopia lagu cadaadiyay in ay soo dayso xubnahaas.
Dadka siyaasada indha indheeya ayaa arintan ku macnaynaya in ay ONLF siyaasadeenu tahay mid aad u xoogan oo go’aankodii ahaa wada hadalku ma sii soconayo ay aqbashay Dawladda Faderaanka Ethiopia si arintaas wada hadalku u noqdo mid midha dhala.
Dhanka kale taageerayaasha Ururka ONLF ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay labadn xubnood magaalada Nairobi ayaga oo baabuur aad u badan wata waxaana loo galbiyay goobihii loogu tala galay.
Labada dhan wali kama soo bixin wax hadal ah waa ONLF & Ethiopia waxayna arintan horsedaysaan in laysaga soo dhawaado meelihii lakala tagnaa oo ay ugu horaysa isfahan dhab ah si daqiyadda Ogaadeenya looga wada hadlo meela loo saara si dhibaatada & dhiiga daadanaya loo soo afjaro.