Xog: Maxaadan ogeyn oo ka socda xerooyinka la dajiyay Soomaalida kasoo laabatay dalka Yemen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada dekadda leh ee Berbera, ayaa sheegaya in Soomaalida kasoo barakacday dhibta ka taagan dalka Yemen ay dhibaato hor leh ku heysato xerooyinka la dajiyay.

Samsam Xaaji oo kamid ah Hooyooyinka halkaasi la dajiyay ayaa sheegtay in inta ay ku nooshahay Xerada ay dareemeyso walwal ka heysta xaaladooda amni, waxa ayna tilmaantay in xiliyada habeenkii ay la kulmaan dhibaato badan.

Waxa ay sheegtay in qaar kamid ah alaabteeda habeenimadii xalay laga xaday goortii ay arrintaasina u bandhigtay Maamulka Xerada ay kala kulantay jawaab aan carabka u wanaagsaneyn, sida ay sheegtay.

‘’Waxaan dareemayaa waxyaabo badan oo igu beeraya uqdad iyo in nalagu sameynaayo faquuq, anaga kama sheekeyn karno dhibta nalagu hayo, waayo alaabtii aan wadanay waa nalaga xaday, raashiin kuma heysano xerada carruurna waan sidanaa oo iyaguna waxaa jirkooda ka muuqda xanuuno ka dhashay safarka badda aan soo galnay’’

Samsam Xaaji oo il meyneysa ayaa waxa ay hadalkeeda intaa raacisay ‘’Xerada waxyaabaha aasaasiga kuma heysano waxaan saaxiib u noqonay gumeysi dadba, xanuuno iyo daryeel la’aan dhanka nolosha ah, tan aan hada ku jirno waxaa dhab ahaantii noo dhaamay inaan nalaga soo dajin markabkii aan ku imaanay’’

Maamulka Somaliland ayay ugu baaqday inay wax ka qabtaan naceybka loo muujinaayo iyo dhibaatada gurcan oo ay la kulmayaan xiliyada habeenkii.

Dad gaar ah ayay sheegtay in lagu hayo dhibaatada, waxa ayna meesha ka saartay inay heystaan noloshii ay ku taamayeen goortii loo ogolaaday inay kasoo degaan markabkii lagu celinaayay dhowrkii saac.

Cabashadaani ayaa waxa ay muujineysaa in Booqashadii Axmed Siilaanyo Xerooyinkaasi aysan wax ka bedelin xaalada adag oo ay ku noolyihiin Muwaadiniintaasi, iyadoona ay xusid mudan tahay in Soomaalida lagu soo dhaweeyay Boosaaso ay heystaan nolol tii ugu wacneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com