Lafta-gareen iyo Aadan Madoobe oo ka hadlay saraakiishii qaraxa lagu dilay

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay qarax miino oo maanta ka dhacay gobolka Baay, kaas oo lagu dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askartii kale oo la socotay.

Laftagareen ayaa tacsi tiraanyo leh u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo ehellada ay ka dhinteen saraakiisha iyo askarta lagu dilay weerarkaasi qaraxa ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXD iyo saraakiil kale oo shahiiday iyagoo  ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Dhankiisa waxaa qaraxan mas’uuliyiinta lagu dilay ka hadlay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyihii Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha kale ee dhintay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumiinta Alle uga baryay in uu naxariistiisii Janno ka waraabiyo, dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.

sidoo kale waxa uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay dhammaan askarta kale ee ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay inta u dhexeysa Awdiinle iyo Berdaale.

Allaha u naxariistee Maxamae Dheere ayaa xilliga la diayay hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu  yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.