Daawo: SACIID DENI oo go’aan cusub ka soo saaray khilaafka DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa mar kale ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in weli halkiisii uu yahay khilaafka, isla markaana, isaga oo madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay inay la wareegeen awooddii dalka oo dhan.

“Waxay Puntland ku talineysaa in laga fogaado siyaasadaha gurracan ee ku dhisan in talada dalka la maroorsado, isla markaana ay koox dano gaar ah wadata ay dalka iyo dastuurka u afduubnaado” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale wuxuu ku adkeystay go’aankiisii hore isaga oo sheegay in Puntland ay u dhaqmi doonto si madax bannaan, inta ay sharciga kusoo noqonayaan madaxda sare ee dalka, waa sida uu ku dooday madaxweynuhu.

“Dowladda Puntland waxay ku dhaqmi doontaa awoodaha uu siinaya dastuutka Puntland iyo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya inta ay hoggaanka sare ee hay’adaha dowladda federaalka kusoo noqonayaan xeyndaabka sharciga ee lagu heshiiyay” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in maamul ahaan ay diyaar u yihiin in la furo wada-hadal looga gudbayo marxaladda is faham waaga ah ee ka dhex taagan labada dhinac.

Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in arrimaha khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka sharci looga gudbi karo mabaadii’ ku saleysan wada-hadal ku qotoma wadar ogol, isla markaana la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga oo uu ugu horreeyo dastuurka” ayuu yiiri.

Waxaa kale oo uu yiri “Puntland waxay juhdi badan gelisay sidii loo xaqiijin lahaa dowlad Soomaaliyeed oo sal xasilan, oo amni ah oo horumarsan”.

Hadalkan ayaa meesha ka saaray filashadii ku aadaneyd inuu jiro isku soo dhawaasho labada dhinac ah, kadib markii dhowaan Puntland loo fasaxay mashaarciid ka xayirnayd.