Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ku adkeystay in uusan ka leexan doonin mowqifkii hore ee ku saleysnaa madax-bannaanida maamulka, xilli ay soo baxayaan xogo hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uusan martiqaadin hoggaamiyaha Kismaayo.
Jubbaland ayaa muujisay shaki la xiriira kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku casuumay madaxda maamul-goboleedyada, kaasi oo haatan aan lagu martiqaadin Axmed Madoobe.
Gogoshan ayaa markii hore la filayay inay qeyb ka noqoto dadaallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, iyadoo beesha caalamka ay cadaadis ku saartay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu miiska iskugu keeno dhammaan hoggaamiyeyaasha maamullada. Balse, sida muuqata, Madaxweynaha ayaa taas ka dhagaha ka fureystay.
Maamulka ayaa caddeeyay in Jubbaland aanu ku shaqeyn doonin amarro uga yimaada Villa Somalia, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.
“Jubbaland waxay go’aan mas’uuliyad ku dheehan tahay ku gaartay inay ka baxdo Madasha Wadatashiga 7-dii Oktoobar 2024,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax. “Madaxweyne Xasan haddii uu hilmaamay, waa in la xasuusiyo in Jubbaland aan laga maamulo Villa Somalia. Annaga ayaa masiirkeena ka talina,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli gogosha Villa Somalia loo arko mid aan loo dhammeyn, halkii ay noqon lahayd mid lagu mideeyo mowqifyada siyaasadeed laguna xoojiyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Si kastaba ha ahaatee, Jubbaland ayaa u muuqata mid aan kalsooni badan ku qabin ujeeddooyinka ka dambeeya gogoshan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa horey u muujiyay inuu taageersan yahay in la isugu yimaado miis wada-hadal ah oo lagu xalliyo khilaafaadka jira. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay wadajir siyaasadeed si looga hortago khataraha dalka horyaalla.
Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso hannaan siyaasadeed oo hufan laguna dhiso kalsooni dhexmarta dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada. Wuxuu xusay in khilaafaadka siyaasadeed ay dib u dhac ku keenayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Balse, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada, iyadoo laga reebay Axmed Madoobe, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu casuumo Axmed Madoobe.
Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.
Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.
Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qeybgalka shir qaran oo heer sare ah.