Cabdicasiis Lafta-gareen ma ka faa’iideysan doonaa inta aaney bixin ciidanka Itoobiya?

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ciidanka Itoobiya ka baxayaan guud ahaan dalka dhamaadka bisha December ee sanadkaan.

Ciidanka Itoobiya ayaa meelo badan dalka ka jooga, waxaase ugu muhiimsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Madaxtooyadda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sanadihii dambe oo dhan ku tiirsanaa ciidanka Itoobiya. Waxaa aad isku dhex-galay Cabdicasiis Lafta-gareen iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya.

Waxay kooxda Lafta-gareen dhowr jeer soo dusiyeen inuu ka fikiraayo isaggoo ku xisaabtamaya ciidamada Itoobiya in uu qabsado doorasho gaaban oo uu kusoo laabanaayo.

Haddii ay ciidanka Itoobiya ka baxaan magaalada Baydhabo, Lafta-gareen ma haysan karo xukunka. Inta aanba la gaarin Xasan Sheekh waxa uu kursiga ka fadhin karin siyaasiyiinta deegaanka, maadaama uu muddo xileedkii ka dhamaaday iyo qaar kamid ah beelaha deegaanka oo si weyn u diidan xukunkiisa.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu duray hadalka Xuseen Macallin ee ah inay ciidanka Itoobiya ka baxayaan dalka dhamaadka sanadkaan.

Waxaa kale oo Xildhibaanno heer federaal ah oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ay baraha bulshada ku faafiyeen diidmada ay ka qabaan arrintaan. Waxaana hadaladooda laga dhan-dhansaday sida uu Lafta-gareen u diidan yahay qorshahaan.

Xubno siyaasiyiin ah oo la hadlay Lafta-gareen saacado kadib markii dowladda dhexe ay shaacisay go’aankan waxa ay sheegeen in uu si weyn u diidan yahay qorshahaan dalka looga saarayo ciidanka Itoobiya.

Laakiin marka waaqica dhabta ah loo soo laabto Soomaaliya waxaa ka jirta dowlad sharci ah oo caalamka aqoonsan yahay, haddii ay mowqifkeeda ku adkeysatana waa qasab inay Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya oo ma ahan go’aan ay burin karaan maamul goboleedyo ama shaqsiyaad ka shaqeeya siyaasadda Soomaaliya.

Haddaba, maadaama aan go’aankan diidmo gaar ah lagu baajin karin, bisha December aanay dhaweyn, Lafta-gareen ma ka faa’iideysan doona inta Itoobiyaanka ay joogaan oo ma isku caano-shubi doonaa ayaa ah su’aasha ugu badan oo ay isweydiinayaan dadka ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya kuma farxin diidmada aan qarsooneyn ee kooxda Lafta-gareen ka muujisay bixitaanka ciidamada Itoobiya. Waxayna u badan tahay inuu halkaan ka curan doono khilaaf cusub oo u dhaxeeya Villa Somalia iyo Lafta-gareen.

Haddii ay ciidanka Itoobiya baxaan Lafta-gareen oo aan muddo xileed haysan, waa iska cadahay inay wax walba jihada kale aadi doonaan. Waxaana kooxaha ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ay leeyihiin fursada Lafta-gareen hadda waa soo koobantay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shantii billood ee lasoo dhaafay waqti badan ku bixiyay inuu Itoobiyaanka uga soo adkaado fagaarayaasha caalamka, laakiin hadda waxaa muuqata in gudaha dalkiisa la isku haysto oo ay jiraan dhinacyo Itoobiyaanka ku aragti ah.