Mas’uul ka tirsan maamulka ABIY oo la dilay iyo amniga Itoobiya oo faraha kasii baxaya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Alebes Adefrash oo ahaa madaxii degmada Efratana Gidem gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gurigiisa xilli habeen ah.

Maamulka degmadu ma sheegin cidda ka dambeysay dilka mas’uulka, mana jirto sidoo kale cid loo soo qabtay.

Dilka Alebes ayaa ah dilkii ugu dambeeyay weerarro xiriir ah oo lala beegsaday mas’uuliyiinta gobolka Axmaarada.

1-dii bishii dhamaatay ee May, gudoomiyaha degmada Lasta Getachew Melise iyo madaxa xafiiska caafimaadka Million Afewarqi ayaa lagu rasaaseeyay meel u dhow Lalibala kadib shir ay ku yeesheen magaalada Waldiya, isla weerarkaas waxaa lagu dilay qof kale, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Sannadkii hore bishii July 2023, Cabdi Xuseen oo ahaa madaxa amniga ee Waqooyiga Shewa ee magaalada Shewa Robit ayaa la toogtay mana jiro wax daba gal ah oo lagu sameeyay dilkiisa.

Dilka Cabdi Xuseen waxa ka horreeyay dilkii loo gaystay Kormeere Zewdu Tadele iyo ku xigeenkiisi Worku Shimelus, kuwaas oo la dilay iyaga oo ku guda jira kormeerka imtixaan ka socday bariga Gojam.

Horraantii April 2023, Girma Yeshitila, madaxii xisbiga xukuma Itoobiya ee gobolka Amxaarada iyo shan qof oo kale ayaa lagu dilay Waqooyiga Shewa.

Dadka u dhuun-duleela qalalaasaha ka socda Itoobiya ayaa maamulka Abiy Axmed ku eedeyay dilka qaar ka mid ah maamulkiisa, kuwaasi oo laga shakiyay ama muujiyay sida ay uga xun yihiin xasuuqa ka socda qaar kamid ah gobollada dalkaas.

Isku soo wada duubo, wax baaris muuqata ah laguma sameynin dhammaan dilalkii qorsheysnaa ee looga takhalusay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobollada, taasi oo abuurtay shaki horleh.