Lafta-Gareen oo awooddii ka qaaday xildhibaanada K/Galbeed amarna dul dhigay

Baydhaba-(Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu amray in aysan wax mooshin ah ka keeni karin xukuumadda Cabdicasiis Lafta-Gareen, kaddib kulan maanta la iskugu yeeray.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo maanta hooyga uu ka daganyahay magaalada Baydhaba qada sharaf ugu sameeyay dhamaan xildhibaanada maamulka ayaa ku amray in ay shaqadooda si ku meel gaar ah u sii wataan maadaama uu dhamaaday waqti xileedkoodii, mudadaasna aysan isku howli karin mooshin ka dhan ah xukuumadda.

Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu dhamaaday waqtigii xilheyntooda ayaa muddoyinkii dambe ku howlanaa raadinta in loo sameeyo waqti kordhin, waxaana ola-olaha lagu raadinayay waqti kordhintooda hormuud ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa Maye.

Xukuumadda Soomaaliya oo markii horaba meesha geysatay Lafta-Gareen ayaa la sheegay in ay kasoo horjeesatay in waqtiga loo kordhiyo xildhibaanada maamulkaas, sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada maanta tagay guriga Lafta-Gareen.

Xildhibaanada ayaa waxa ay noo sheegeen in markii ay dooranayeen Lafta-Gareen ay xukuumaddu u balan qaaday in iyaga waqtiga loo kordhinayo oo aan lasoo xuli doonin xildhibaano kale, balantaas oo hadda u muuqata mid looga baxay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa Madaxweyne Lafta-Gareen waxa uu Baydhaba ka waday kulamo looga arinsanayo sidii loo soo xuli lahaa xildhibaano cusub, kulamadaas oo uu la yeelanayay odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online

Xaafiiska Baydhaba

Caasimada@live.com