Sawirro: Farmaajo oo xariga ka jaray dhisme ay iibsatay safaarada Somalia ee USA

Washigton DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabnimadii jimcaha, 4:00 pm xilliga saacadda bari ee Mareykanka xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

Dhismahan oo ku yaalla Address-ka, 1609 22nd St NW, Washington, DC 20008, ayaa waxaa dhowaan iibsaday Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa safaaradda Columbia ee Mareykanka.

Waxaa furitaanka dhismaha, oo ku yaalla bartamaha Washington DC, xariga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka yimid magaalada New York oo uu uga qeyb-galay shirkii golaha guud ee QM.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay Soomaaliya inay safaaradda ugu dambeyn degan tahay guri ay leedahay dowladda Soomaaliya, kadib tobaneeyo sano oo ay deganeyd dhisme kiro ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey dadaallada ay dowladdu ku bixineyso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammeystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Waa markii ugu horreysay ee safaaradda Soomaaliya ee Washington ay degto dhisme  ay Soomaaliya leedahay. Waxaa horey u jiray guriga safiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com