Lafta-gareen oo burburiyay qorshihii Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe

Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa weli ka go’an inuu ka shaqeeyo dariiq walba oo uu madaxweyne Farmaajo ugu soo laaban karo Villa Somalia.

Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed waxay xalay shaaciyeen oo ay soo dhajiyeen 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Baraawe waa caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo hadda si kumeel gaar ah ugu shaqeenayo magaalada Baydhaba.

Tallaabadaan ayaa soo afjartay aragti ay kor u hayeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe weli dhibaato ayaa ka heysata gobolka Gedo mana rabo inuu Garbahaarey ku qabto doorasho.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni culeys badan ayaa kaga yimid dhanka magaalada Boosaaso halkaas oo uu ka walaacsan yahay inuusan sida uu doono ka yeelan karin 16-ka kursi ee taala.

Halka hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe weli loo diidan yahay inuu tago magaalada Beledweyne oo ay taalo 25 kursi oo golaha shacabka ah.

Waxaa la sheegay in saddexdaas hoggaamiye ay qabeen aragti ah in marka ay soo dhammaadaan doorashooyinka ka socda xarumaha maamul goboleedyada in la qabto hal shir oo Golaha Wada-tashiga Qaran ah kadibna la qaato go’aan ah hal deegaan doorasho oo laga laabto Kuraastii loo calaamadeeyey Magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe.

Inta aan taas la gaarin Cabdicasiis Laftagareen ayaa xalay Ceel dheer ku riday rajadaas, wuxuuna soo dhajiyey Kuraastii taalay Magaalada Baraawe.

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo saaxiibkiisa hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyagu marnaba ma keenin Golaha Wada-tashiga Qaran dood ku saabsan hal deegaan doorasho, waxayna ahaayeen raggii diidanaa in laga laabto qodobada laba deegaan doorasho iyo ergo 101 ah.

Nidaamka madaxweyne Farmaajo oo loo diwaan gelin doono hannaan doorasheedkan wuxuu Berri sheegan doonaa inuu doorashada dalka gaarsiiyey 101 ergo ah iyo laba magaalo, balse weli waa doorasho dadban iyo mid boobkeeda cad yahay.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni wuxuu hadda ku qasban yahay inuu la tacaalo xaaladda magaalada Boosaaso, maadaama uu hirgalay kiiskii laba deegaan doorasho, halka Axmed Madoobe uu isna laqi doono qaraarka 16-ka kursi ee Garbahaarey oo dhanka Farmaajo aadi doona.

Cali Guudlaawe wuxuu hadda ku qasban yahay inuu arrinta Beledweyne u raadiyo xal uu ku fulin karo, maadaama aan laga baaqsan karin in doorasho ka dhacdo magaalada Beledweyne, inkastoo kooxda madaxweyne Farmaajo lagu eedeenayo inay si weyn gacanta ugula jiraan arrimaha magaalada Beledweyne.

Tallaabada uu xalay qaaday Cabdicasiis Laftagareen waxaa lagu sheegay codsi kaga yimid saaxiibadiisa Villa Somalia, balse Laftagareen laftirkiisa wuxuu leeyahay dan doorasho.

Waxaa jira warar sheegaya in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu ku jiro damac la xiriira kursiga guddoomiyaha Gobolka Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, inuu riyadaas waqtiga fog soo jirta rumeeyana waxay u baahan tahay inuu helo garabka kooxda madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo saameyn xoog leh ku leh kuraasta Golaha Shacabka.