Jeneraal Xuud oo shaaca ka qaaday mowqifkiisa kadib kulankii FARMAAJO + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo dhow ah, sida wada-hadallada uu kula jiro dowladda Soomaaliya, xaaladda HirShabelle yo ciidamada la geeyey Beledweyne.

Xuud ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho, isla-markaana loo dhigay gogol Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray inuu la kulmay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Farmaajo waan is aragnay arrintaas waxba kama uu qabo Soomaalinimo ayuu u istaagay  ra’iisul wasaarahana, insha allah waan is arki doonaa isagana waxaan leenahay Soomaali fiiri u istaag dhammaan Soomaali,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuuud).

Sidoo kale wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedka socdaalkiisa magaalada Muqdisho iyo wada-hadallada u bilowday isaga iyo Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu u socdo heshiis ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa tabashada reer Hiiraan.

“Waxaan nimid xamar waxaan u nimid dowladda heshiis ayaa noo wada socda heshiiskaas waa mid u faa’iideynaaya Ummadda reer Hiiraan, heshiiskaas wuxuu noqon doonaa mid labada dhinacba laga istaago,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Jeneraal Xuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weli uusan ka tanaasulin mowqifkiisa, isla-markaana uu u taagan yahay raadinta xaq uu sheegay inuu ka maqan yahay Hiiraan.

“Annaga kacdoonka shacabka Hiiraan ayaa nala yiraahdaa kama tanasulin arrintii aan u istaagnay nin walbo haddaba dhagahaaga ku heyso annaga dad u yimid in la gato maahin, waana ka weynahay. Lacag wax ay tarto malaha karaamaa wax tarta,” ayuu yiri Xuud.

Dhinaca kale Xuud ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo dhowaan si kulul uga hadlay xiisadda magaalada Bedweyne, wuxuuna ugu jawaabay Jeneraalku:-

“Daraad waan maqlaayey waxa uu ku hadlaayey Dabageed walaalkey aqoon darraa u geysay anne waaa i caaynayaa oo waalkiisaan ahay, Cali Guudlaawana soo dhowaaw ayuu leeyahay waa ayaan darro weyn oo meesha taallo weeyey,” ayuu yiri Generaal Xuud.

Ugu dambeyn waxaa Jeraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) wax laga weydiiyey ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay gudaha magaalada Beledweyne oo shaki weyn dhaliyey, maadaama lagu soo aadiyey xilliga doorashada, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii ciidamadaas ay u shaqeyn waayeen Soomaalinimi lasoo celinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidankaas Beledweyne la geeyey haddi uu u shaqeyn waayo si Soomaalinimo ah waan soo celineynaa hadduu Soomaalinimo u shaqeeyane waa ciidankii aan baahneyn,”.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada weli xaalad kacsanaan laga dareemayo magaalada Beledweyne oo lagu qabanayo doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay halkaasi.