Lafta-gareen oo cadaadis xooggan wajahaya kadib hanjabaada beesha caalamka

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku cadaadinaya inuu si dhab ah u taageero baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ee ah inay gogol dib-u-heshiisiineed isugu yimaadaan siyaasiyiinta deegaanka.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii ay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweynaha, oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan.

Inkastoo Madaxweynuhu uu daba-yaaqadii bishii November uu taageeray baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, haddana waxa uu xilligan ka caga-jiidaya in gogosha wada hadalada lagu qabto Magaalada Baydhabo, waana xilli Gudoomiye Aadan Madoobe uu Magaalada Xudur u jooggo dadaalo uu ku xoojinayo baaqiisii dib-u-heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa Talaadadii waxa uu Madaxtooyada Baydhaba ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay u sheegtay in Doorashada Madaxtooyada ay tahay in xilligeeda ku qabsoomto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Laftagareen loo sheegay in taageerada Dowladda Federaalka iyo midda caalamkaba ay ku sii jiri karto, iyadoo aanu maamulkiisu wax colaad ahi ka dhex abuurin dadka deegaanka, xilli dalku uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay Madaxweyne Laftagareen ku wargelisay in maamulku uu joojiyo tallaabada uu siyaasiyiinta deegaanka uga hortaagan yahay inay u safraan Baydhabo.

Siyaasiyiin badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ku xaniban Caasimadda Muqdisho, ka dib markii Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay shirkadaha diyaaradaha uga digtay inaanay siyaasiyiintaasi keeni karin Baydhabo.

Tani ayaa lagu macneeyay mid uu maamulku kaga falcelinayo diidmada ay siyaasiyiintaasi ka muujiyeen muddo kordhinta Xafiiska Madaxweyne Laftagareen, isla-markaana uu maamulku garowsan yahay inay xaaladi ka abuuri karaan magaalada, haddiiba ay dhacdo in la meelmariyo qorshaha muddo kororsiga.

Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujinaya waxa xiggi doona, haddii uu dhammaado waqtiga Madaxweynaha, wax doorashado ahna aan la qaban.