Lafta-gareen oo shaaciyey sida uu ka yeelayo xubnaha Muqdisho uga dhowaaqay isbaheysiga ka dhanka ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay in wada-hadal nabadeed uu la yeelanayo siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulka ee ay isku hayaan hogaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Wada-hadal xiligaan dhexmara Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta miisaanka culus ee reer Koonfur Galbeed ayaa waxa la fahamsan yahay in uu wax uun ka tari doono xiisad-siyaasadeedka ka taagan maamulkaas.

Lafta-gareen ayaa ballan-qaadkan ku wargeliyey Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo shalay kula kulmay magaalada Baydhaba.

“Waxaan soo dhaweynayaa ballan-qaadkii uu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis ee ahaa in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee miisaanka leh ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ay wada-hadallo nabadeed ku xallin doonaan wixii khilaaf ah ee u dhexeeya,” ayuu yiri James Swan.

“Waxaa muhiim ah in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal iyo in xoriyatul qawlka la xaqiijiyo sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Swan.

Ballan-qaadka Lafta-gareen ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed loogu magac daray “Golaha Samata-bixinta maamulka Koonfur Galbeed”.

Isbaheysigaan ayaa waxaa ku mideysan siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo u badan madax hore, xildhibaano, wasiirro, siyaasiyiin kale iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Xubnaha ka soo muuqday isbaheysigaan waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, wasiirka haweenka XFS Xaniifo Xaabsade iyo xubno kale.

Golahaan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo horay siyaasiyiintaan ugu adeegsaday awoodiisa, kana reebay tartankii doorashada baarlamaanka.