Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta saameeyay dhoolatus siyaasadeed oo aad u weyn, kadib markii uu xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaas uu ugu yeeray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Laftagareen ayaa hal mar xafiiskiisa ku qaabilay dhammaan xildhibaanada labada Gole ee  Koonfur Galbeed ku metalaBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku casuumay Xarunta Madaxtooyada oo uu si qurux badan u dhisay.
Ujeedka ayaa ahaa inuu kala tashado xaaladda cakiran ee maamulkaas oo ay isugu darsoomeen xaalado siyaasadeed, kuwa bani’aadanimo iyo dagaalka Al-Shabaab.
Qoraal kooban oo ay shaaciysay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Lafta Gareen uu xildhibaanada kala hadlay saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab.
“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, wuxuuna u muuqdaa mid diray y farriin mug leh oo siyaasadeed oo ku socota xubnaha mucaaradka ah ee ku kacsan Laftagareen.
Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba, lama oga sida ay wax ay noqon doonaan, hayeeshee mucaaradka ayaa iyaguna weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.