Lampard oo ku socda wadadii uu kaga tegi lahaa Chelsea.

Frank Lampard ayaa ka cabsi qaba inuu xilli ciyaareedkaani yahay kiisii ugu dambeeyey ee uu xirto maaliyada Chelsea, wuxuuna xidigaani ku jiraa qandarakaasii ugu dambeyey keliya lix bilood ayaana ka harsan.

Lampard ayaa doonaya inuu sii dheereeyo 12kii sano ee uu joogay Stamford Bridge, laakiin ulama muuqato inay sidaas wax u dhacayaan, iyadoo uu bisha soo aadan la wada xaajoon karo koox ajnabi ah.

Waxaa lala xiriirinaayey Los Angeles Galaxy, Paris Saint-Germain iyo kooxo kale oo ka dhisan Ruushka iyo Shiinaha laakiin wuxuu kaloo sheegay inuu door bidi karo inuu sii joogo Barclays Premier League.

“Ma noqon karto sanadkeygii iigu dambeeyey abid EPL,” ayuu yiri Lampard oo Chelsea kaga soo biiray West Ham 11 milyan oo ginni 2001. “Waxay iila muuqataa inay tahay xilli ciyaareedkeygii iigu dambeeyey, waxaan ahay qof weyn oo garan kara sida ay wax u dhacayaan.”

Markii wax laga weydiiyey wadahadal ku saabsan qandaraaskiisa, wuxuu ku daray: “Ma jiraan wax la qorsheeyey inta aan ogahay. Ma jiraan wadahadalo socda oo ku saabsan in qandaraaska la ii dheereeyo. Wax walba kooxda ayey ka go’aan. Waxaan ahay ciyaaryahan Chelsea ah. Sida cad waqti aad u fiican ayaan halkaan kusoo qaatay.”

Markii uu Lampard kursiga keydka kasoo kacay kulankii shalay ay kooxdiisu guusha ka gaartay Monterrey ayaa waxaa sacab iyo sawaxan is qabsaday garoonka, maadaama aad xidigaan looga jecelyahay kooxda.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: jangoan@hotmail.com
Caasimada — Mogadishu.