Layli oo Gaas jawaab kulul ka siiyay ruqseynta isaga iyo saraakiisha kale + Video

Garoowe (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Digreeto kasoo baxday xafiiska Hoggaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa lagu ruqseeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo booliska Puntland.

Saraakiishan ayaa xilalkooda ku waayay ka dhinac noqoshada Khilaafka u dhexeeya maamulka iyo Dowlada Dhexe, waxa ayna ruqseentoodu timid kadib markii ay qabteen shir Jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inaanu taageersaneen shirarka Garoowe ee lagu garaafeynayo dowlada Dhexe iyo waxyaabo kale.

Ruqseynta Saraakiisha ayaa waxaa ka hadlay G/sare Axmed Cabdullaahi Samatar (Layli) kaas oo horey mar u soo noqday taliyihii booliska gobolka Nugaal basle haatan ka tirsanaa Booliiska Puntland.

G/Sare Layli oo ruqseynta kadib baraha soo dhigay Muuqaal uu uga hadlaayo ruqseyntiisa ayaa sheegay in C/weli Gaas uusan awood sharci u laheyn inuu ka dhigo darajooyinka.

G/Sare Layli, ayaa sheegay in C/weli Gaas aysan ku taageereynin haddii uu galo khaladaad dhanka shaqada ah waxa uuna caadeeyay inuusan u dhiman doonin xil uu waayay.

HOOS KA DAAWO HADDALKA G/SARE LAYLI RUQSEYNTA KADIB: