Maxaa Axmed Karaash iyo Gaas kala qabsaday kadib falkii uu GAAS ku kacay?

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa jimcihii soo gaaray magaalada Mugdishu ee Caasimadda Soomaaliya diyaarad siday dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleed dhawrkii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayey koonfurta gobolka Sool, kaasoo ay ka dhasheen khasaare dad iyo duunyo ah.

Diyaaraddan ayaa waxaa dirtay dawladda Soomaaliya, si ay halkaas u gaarsiiso gargaar caafimaad oo loo fidinayo dadkii isku beesha ah ee khasaaruhu ka soo gaaray dagaal soo noqnoqday, oo la rumaysan yahay inuu salka ku hayo qorshaha maamulka Somaliland ku adkaysanayaan gacan ku haynta iyo maamulka gobolka Sool, oo baryahan danbe u muuqday In dadka deegaanku u midoobayaan sidii maamulka Hargeysa looga saari lahaa gobolka.

Hadaba tan iyo intii dagaal beeleedkani socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey baaqyo nabadeed oo ka imaanayey beelaha Soomaaliyeed dalka iyo dibadiisa. Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd meelaha laga soo saaray baaqyadan nabaddoonka ah ee loo jeedinayo dagaal beeleedkan oo geystay khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira iyo barakac.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kaashanaya wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda deegaanka, gaar ahaan wasiirka kaluumaysiga iyo Wasiirka arrimaha dibadda ayaa arrintan si weyn isaga Xil saaray sidii dadkaas wixii dhaawacmay loogu gurman lahaa, isla markaana gacan loo siin lahaa dadka ku hawlan deminta colaaddan.

Haddaba, Waxaa qorshihii hore ahaa in diyaaradda siday gargaarka caafimaadka ee loo waday dadka ku waxyeeloobay dagaalka ay ka degto magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Waxaa qorshahaasi ka hor yimid maamulka Soomaaliland oo gacanta ku haya magaaladaasi.

Waxaa dadka Soomaaliyeed la yaab ku noqotay In maamulka Hargeysa hadda ka hor dawladda Soomaaliya gargaar dhaqaale oo ay gaarsiisay ay gudoomeen kadib khasaare uu dhaliyey raxmaadka roobka oo ka da’ay gobolka Awdal ee dhaca cidhifka waqooyi galbeed ee Soomaaliya, inay diidaan diyaarad siday daawo iyo gurmad caafimaad oo loo fidiyey ku dhowaad 100 qof oo ku dhaawacmay dagaal beeleedka ka dhacay koonfurta gobolka Sool.

Diidmadaasi maamulka Hargeysa kadib waxaa misina la soo weeciyey in gargaarka laga dejiyo magaalada Garoowe oo ah meesha labaad oo ugu dhow.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sidaasi si le’eg soo saaray amar lagu joojinayo inaan diyaaraddaasi ka soo degin magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaas oo muddo cabaar ah ay ku xanibnaayeen garoonka Mugdisho diyaaraddii  dawada siday iyo Xildhibaanadii ka soo jeeday deegaanka oo uu ka mid yahay Wasiirka kaluumaysiga Soomaaliya, ee la socday gargaarka, taas oo Cabdiweli ku macneeyey inaanu jirin xiriir wada shaqayneed oo ka dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo Puntland oo qayb ka ah golaha iskaashiga maamul goboleedada, halkaasna uu ka socday shirkii madax goboleedyada.

Wasiirka duulista garoomada iyo duulista hawada ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si weyn ugu gacan sayray amarka Madaxweynaha Puntland uu ku joojinayey gargaarkaasi caafimaad ee u socda dadka dhibaataysan, iyadoo Wasiirku khadka telephoonka ugu sheegay Dr Gaas inaan la siyaasadaynin arrimo gurmad bina aadaminimo ah oo lagu badbaadinayo nolosha dad shicib ah oo dhiig baxaya, isla markaanna aan Puntland dirin wax gurmad ah oo arrintan ka horeeyey. Sidoo kale dawladda Puntland kama aaney hadal dhibkaas dhacday marka laga reebo shaqsiyaad si madax banaan u jeediyey baaqyo nabadeed.

Aakhirkii Wasiirka ayaa waxaa telefoon ugu hanjabay madaxweyne Gaas oo sheegay hadduu ka hor yimaado amarkiisa diyaaradduna soo degto inuu xilka ka qaadi doono, halka taas bedelkeeda amar adag la siiyey agaasimaha guud ee Wasaaraddu inuu fuliyo amarka Madaxweynaha, is jiid-jiid iyo muran kadib Waxaa wasiirku ku adkaaday In diyaaraddu timaado, Madaxweynuhuna qaato wixii la gudboon.

Halkaas oo lagu guulaystay in daawadii la gaarsiiyo dadkii u baahnaa, dhaawacyadii cuslaana loo soo duuliyo magaalada Mugdisho. Hase yaashee Waxaa loo diiday inay garoonka ka baxaan mas’uuliyiintii deegaanka ka soo jeeday ee isugu jira Xildhibaanadii laga soo doortay gobolada SSC iyo Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo wafdigaasi hogaaminayey, sidoo kale dhaawac kale oo yaalay magaalada Gaalkacayo oo ka mid ah beelahan dagaalamay ayaa halkaasi laga soo qaaday iyadoo intii Garoowe ka dhacday oo kale lagu sameeyey mas’uuliyiinta la socday diyaaradda.

Markii la waayey meel dhaawaca diyaaradda la saaro ayaa Waxaa khasab noqotay In Xildhibaanadii reer SSC ku haraan garoonka magaalada Gaalkacayo, waxaanna loo diiday inay magaalada galaan, aakhirkii waxgaradka deegaanka Gaalkacayo ayaa dadaal ay sameeyeen loo ogolaaday inay caawa Xildhibaanadu ku haydaan magaalada Galkacayo.

Haddaba, maxay ku kala duwan yihiin Dr Abdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Muuse Biixi, Haddii labada midna ogolaaday gargaarkii dawladda Soomaaliya ee Boorame kii Sool-na diido, halka Dr Gaas oo dadkan la hayb ahi ku kacay fal ka xun kii Muuse Biixi? Xili weliba uu ku jiro doorasho ay ka dhimman tahay 60 maalmood!! Sidoo kale labada hogaamiye midkoodna Xil iskama saarin ama ma muujin wax taalo ah oo xataa loogu gurmanayo dadkii dhaawacmay!! Halka Maamulka Somaliland isagu yahay cidda hurinaysa colaadda.

Dhanka kale waxaa gebi ahaanba aan ka qaybgelin shirka madasha maamul goboleedada dalka uga socday magaalada Garoowe Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Ahmed Cali Xaashi iyo Dhammaan mas’uuliyiinta ku jira goleyaasha Wasiirada iyo Barlamaanka ee Puntland oo ka soo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Cayn. Taasoo muujinaysa sida loogu kala qaybsan yahay mawqifka Hogaanka Puntland uu ka qaatay dawladda Soomaaliya!!

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com