Saameynta uu yeelan karo dagaalkii Axmed Madoobe uu beesha CAWLYAHAN ku xasuuqay iyo sababta

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay xogaha ku soo gaarrayaan xafiiska Caasimada Online ee magaalada Kismaayo, waxaa isa soo taraya khasaaraha uu geystay dagaalkii ay maleeshiyada Axmed Madoobe shalay ku lahaayeen dadka rayidka ah ee u badan beesha Cawlyahan.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, halka ay maleeshiyada Axmed Madoobe ka xeysteen afar dhalliyaro oo kale.

Waxaa wali cabsi badan iyo xiisad ay ka jirtaa xaafadda Dalcadda ee uu dagaalka ka dhacay iyo waliba xaafadaha Aargada, Farmaajo iyo agagaarka Calanley oo lagu arkayo maleeshiyada Axmed Madoobe oo qoryaha ku fiiqaya dhallinyarada magaalada.

Hase yeeshee, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah muxuu salka ku hayaa weerarka ay maleeshiyada Axmed Madoobe geysteen iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Tan iyo  markii uu Axmed Madoobe xoogga ku qasaday Kismaayo waxa uu bilaabay qorsheyaal uu ku ugaarsanayo qabaa’ilka daga magaalada ee isaga ka aragtida duwan.

Markii hore waxaa ka badbaadi jiray qof walba oo ku abtirsada Ogaadeen oo uu ka soo jeedo, base waxa uu xasuuq ba’an u geystay beesha Mareexaan oo magaalada wax ka daga.

Sidoo kale, waxa uu dhawr jeer weeraray beesha Harti, (Majeerteen, Dhulbahante iyo Warsangeli) oo uu ku laalay xaafaadda Callanley, inta u dhexeysa Masaajidka Baajuuta iyo Somali Star.

Beelaha Carwmale, Gaaljecel iyo Shiikhaal oo uu xataa duudsiiyey xaqooda siyaasadeed ayuu iyagana ka dhigay wax uu laa wayo iyo kuwo uu Xamar u soo musaafuriyo. Ogow, beelaha Gaaljecel, Shiikhaal yo Cawrmal waa kuwa ugu badan ee Kismaayo iyo  nawaaxigeeda daga!

Muxuu salka ku hayaa dagaalka ay maleeshiyadiisa ku qaadeen oo ay ku gumaadeen beesha Cawlyahan ee Ogaadeen?

Ma ahayn dhaqan looga bartay maleeshiyaadka Madoobe in ay weeraraan beelaha Ogaadeen, walow ay in muddo ahba beesha Cawlyahan uga aragti duwaneed sida gurracan ee uu ula dhaqmo bulshada dagan magaalada.

Ujeedka ugu weyn ee ay kuu sheegayaan bulshada ka soo jeeda Cawlyahan oo ay Caasimada Online la xiriirtay ayaa ka mid ah in Axmed Madoobe u baqay xukunkiisa, maadama ay doorashada maamulka aan dhaafsiisneyn Dekedda iyo Madaarka Kismaayo soo dhawdahay.

Beesha Cawlyahan waxa uu u arkay caqabad ka horimaan karta rejada uu ka qabo in uu ku soo laabto ama uu ku sii dheereysto awoodda.

Qaar ka mid ah xubnaha la soo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay in maaleeshiyaadka Madoobe aamineyn in ay ka adkaadeen beelaha kale oo ay hadda tahay xilligii lagu dari lahaa jifooyinka Ogaadeen ee aan aragtidiisa la dhacsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com