‘Dunida anaga ayey nagala tashataa SOOMAALIYA, sababtana waa caddahay’

Hargeysa (Caasimada Online) . – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in adduunka uu Somaliland kala tashto arrimaha Somalia.

Feysal ayaa sheegay in Somalia ay wali ku dhex jirto khilaaf iyo is qabqabsi sidaa aawgeed uu adduunka arimahaasi si hoose uga tashto Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay dhanka Siyaasada iyo la dhaqanka bulshada adduunka uga horeyso Somalia inteeda kale taasina ay horseeday in wixii la xiriira amuuraha Somalia wax laga weydiiyo Somaliland, sida uu yiri mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa.

“Anagu Somalia waanu ka horeynaa waayo marba haddii amuuraheedu adduunka nagala tashanayo maaha inaanu is garabtaagnaa”

“Latashiyada noocan ah waxa ay noo horseedi karan inaanu helno aqoonsi heer caalami ah, shacabkayagu waxaanu u sheegayaa inay ogaadan isbedelada ay mareyso Somaliland”.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in adduunka qudhiisa uu isku fiirsanayo Soomaalida, balse waxa uu taa bedelkeeda tibaaxay in wakhtigu yahay mid marba marka xigta is guraya.

Haddalka Faysal Cali Waraabe, ayaa u muuqanaya mid aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda, waxa uuna haddalkiisa imaanaya xili ay Beesha Caalamku sheegtay in Somaliland ay u aqoonsan yihiin maamul ka tirsan Somalia inteeda kale.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com