Qodobada ugu muhiimsan sharciga doorashooyinka 2020 ka dhacaya Somalia

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa lawada sugayay sharciga doorashooyinka 2020-ka ee JFS nooca uu noqon doono, DFS waxay soo gudbisay sharci doorasho kuna dhisan nidaamka 4.5 oo la dimoqraadiyeeyay, xisbiyadana tartanka doorashada 2020-ka uga qayb galayaan, habkaan doorasho ee DFS samaysay wuxuu ilaalinayaa isu-dheelitirnaanta mataaladda beelaha ee nidaamka 4.5, wuxuu qasab kadhigayaa in beel walba hesho matalaaddi ay ku lahayd BFS.

Qodobadda udub dhaxaadka u ah sharcigan doorasho ayaa kamid ah, qodobka 12aad faqradiisa 1aad una qoran sidan

(HANNAANKA DOORASHADU WUXUU NOQONAYAA MID TIXGELINAYA ISU-DHEELITIRNAANTA QAYBAHA BULSHADA SI WAAFAQSAN QODOBKA 64aad FAQRADIISA 3aad iyo 72aad XARAFKA (c) EE DASTUURKA)

Qodobbadan lacuskaday ee Dastuurka JFS ah ayaa sheegaya isu-dheelitirnaanta matalaadda bulshada (beelaha) labada gole ee Baarlamaanka JFS, macnaheeduna tahay in beelaha ay ka helaan mataalad isu-dheelitiran habka 4.5 lagu saleeyay, sida haddaba ay kudhisanyihiin labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

Isla Qodobka 12aad faqraddiisa 2aad, iyo 3aad,ee sharciga doorashooyinka waxay tilmaamayaan in golaha shacabka uu ahaanayo 275 xubnood, iyo Aqalka Sare 54 oo Nambarkiisa ahaanayo isla markaana loo cuskaday qodobka 72aad ee Dastuurka JFS, waxaa halkan ku cad in tirada labada gole noqonayaan 275+54=329 Xubnood guud ahaantooda.

Waxaan halkan dul istaagaynaa qodobka 12aad faqraddiisa 5aad islamarkaana ah qodobka ugu adag fahamkiisa, wuxuuna u qoran yahay sidan.

(XISBIGII KU GUULEYSAN WAAYA DOORASHOOYINKA GOLAHA SHACABKA CODAD UDHIGMA BOQOLKIIBA TODOBA (7%) CODADKA GUUD EE DOORASHADA WUXUU KAHARAYAA KAMID NOQOSHADA GOLAHA SHACABKA).

Dimoqraaddiyenta nidaamka 4.5 ee xisbiyeysan, oo macnaheedu yahay in liiska musharaxiinta xildhibaannada Baarlamaanka JFS 275-ka lagu saleeyo 4.5 ayagoo xisbi kasoo galaya tartanka doorashada, waxaa xisbiyada laga doonayaa in ay u tartamaan dhammaan 275-ta xildhibaan ee habka 4.5 ayagoo isku dhafaya musharaxxiinta beelaha, tusaale ahaan sida, 4 Musharax Hawiye ah, 4 Musharax Darod ah, 4 Musharax Digil/Mirifle ah, 4 Musharax Dir ah, 2 Musharax Beelaha laga tirada badan yahay ah una dhiganta 18 xildhibaan ama 7% codadka guud ee ansaxay.

Tusaale, haddii dhammaan tirada guud ee dadka xisbiyada u codeeyay gaaraan 450,000 cod, waxaa laga rabaa xisbi kastaa inuu helo codad gaaraya 31,500 cod, si uu uhelo xildhibaannadi ku matali lahaa baarlamaanka JFS, Xisbigii heli waaya codad gaaraya 31,500 cod una dhiganta 7%, wuxuu kaharayaa kamid noqoshada Golaha Shacabka sida ku cad qodobka 12aad, faqraddiisa 5aad, ee sharciga doorashada.(450,000 x 7% =31,500)

Marka xisbiyadu ay soo helaan ugu yaraan 7% (threshold) codadka dadka ay dhiibteen una-dhiganta kuraas gaaraysa 18 Kursi, wuxuu xisbi walbaa oo shuruuddan ka gudbaa uu xaq u yeelanayaa in uu helo Xildhibaanno ku matala Baarlamaanka JFS, xisbigi helaa wax kayar 7% tirada codadka dadka ay dhiibteen Xaq uma yeelanayo inuu golaha ka mid noqdo, marka loo qeybiyo tirada kuraasta xildhibaannada ay ku guuleysteen, haddii musharaxa kamid ah liiska Xisbi ugu qoran uu helo kursi, musharaxa helay kursiga beeshiisa waxa ay heshay kursigi ay ku lahayd 275-ta xildhibaan ee baarlamaanka , Xisbiga ku xiga kama soo xuli karo musharax isla beesha heshay kursiga ah ee aan kor kuxusnay, waxaa laga doonayaa xisbiga inuu soo xulo musharax kayimid beelaha kale ee aan weli matalaadda kahelin baarlamaanka JFS ee kamid ah xisbigiisa.

Musharax walba ee buuxiyaa xubinta ay beeshiisa ku laheyd baarlamaanka JFS, musharax kale ee isla beeshiisa kamid ah marnaba xaq uma yeelano inuu kamid noqdo baarlamaanka JFS.

W/Q: Cabdiraxiim Axmed Dhagey
C.a.dhagey@gmail.com