Leyrarka laamiyada Muqdisho oo gabi ahaan u damay daryeel la’aan

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho loo magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa waxaa muuqaal mugdiya laga dareemayaa dhammaan laamiyada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Muuqaalka laamiyada oo xiligii hore wanaagsanaa ayaa iminka u muuqda mid gabi ahaantiisa mugdi galay, kadib markii ay ciladoobeen dhammaan leyrarka ku shaqeeya cadceeda ee ku dhagan laamiyada.

Laamiyada ay ka dameen leyrarka cadceeda ayaa waxaa kamid ah laamiga Makka al-Mukarama, Wadnaha, Tarabuunka iyo laamiga Cali kamiin oo gabi ahaantiisa aan heysan leyrar.

Laamiyadan ayaa waxaa xiliyada habbeenkii ka jira cabsi dhanka isticmaalka ah, waxaana dhibaatada ugu badan ku qaba Gaadiidka iyo Mooto bajaajyada isticmaala.

Laamiyada qaarkood ayaa waxaa ka muuqda dil dilaacyo  ka dhashay Qaraxyada ka dhaca, waxaana dhibaato weyn ku qaba gaadiidka.

Dhismaha laamiyada iyo ka shaqeysiinta leyrarka ayaa u muuqda mid uu ka gaabiyay maamulka cusub ee uu Hoggaamiyo Eng. Yariisow.

Sidoo kale, laamiyada qaar ayaa waxaa qariyay caro tilmaameysa inaanu jirin mas’uuliyad muujineysa hagaajinta laamiyada ay ka sara mareen carada.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka cusub ee Gobolka banaadir ayaa u muuqda mid ka caajis badan maamuladii hore, waxaana xusid mudan in wakhtiga ay ku luminayaan kulamo aan mirro dhal laheyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com