Lionel Messi: Waxaan codkeyga Ballon d’Or ugu shubi doonaa Xavi iyo Andres Iniesta.

Lionel Messi ayaa ka war qaba in laba ka mid ah ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ee Barcelona ay heli doonaan codkiisa Ballon d’Or ee sanadkaan, halka uu sidoo kale mid ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid. u maleynayo inay qaadan doonaan abaal marinta.

25 jirkaan ayaa sedax jeer oo isku xigta ku guuleystay abaal marinta, hadii uu sanadaan mar kale qaado wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee taariikhda sidaasi sameeya, laakiin wuxuu ku beegmayaa xilli ciyaareed uusan koobab waa weyn ku guuleysan.

“Miyaan ka fikirayaa wax quseeya Ballon d’Or? Maya!” ayuu qirtay Messi isagooo la hadlaayey Marca.

“Marka waqtigeeda la gaaro, way ka duwanaan kartaa… hoodo ayaan u lahaa inaan abaal marintaan ku guuleysto sedax jeer, waana xajmi weyn oo aan la maleysan Karin, laakiin waxaan u maleynayaa inaanan sanadkaan ku guuleysan doonin.”

Messi ayaa sharaxay cidda uu codkiisa siinayo maadaama uu yahay kabtanka xulka Argentina uuna leeyahay sedax cod oo kala sareysa.

“Ma garanaayo cida soo geli doonta liiska. Waxaan u codeyn doonaa Xavi, Andres [Iniesta] iyo shaki la’aan mid ka mid ah ciyaartoyda aan isku wadanka nahay,’ ayuu ku daray

“Waxaan u maleynayaa inuu sanadkaan [Iker] Casillas ku guuleysan karo Ballon d’Or, wa mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan caalamka iyo sidoo kale Cristiano [Ronaldo].”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.