V/Somalia oo gacanta u gashay liqe & wada-liqe

Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo ay faraha kasii baxeyso kalsoonidii ka dhexeysay Madaxda Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa haddana soo ifbaxaaya in saldhiga isdaba marinta miisaaniyadii loogu tallo galay Qasnada DF ay u weecantay Villa Somalia.

Madaxtooyada dalka oo ahaan jirtay xarunta Cadaalada iyo midnimada Qaranka ayaa iminka isku bedeshay Saldhiga lagu kala qeybsada miisaaniyada ay Beesha Caalamka u qoondeysay Madaxda iyo shaqaalaha dalka, hayeeshee waxaa muuqaneysa in halkaasi ay kuwada kulmeen Liqe Liqe-liqe & wada liqe oo aan ula gol leeyahay Madaxweyne Xassan, Ra’isul wasaare Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhabjinaaya Siyaasada dalka.

Madaxweyne Xassan oo isagu xiligaani uu gabaabsi ka yahay wakhtiga ayaa waxa uu xooga saarayaa inuu si wanaagsan ula midoobo Ra’isul wasaaraha dalka iyo Wasiirka arrimaha Dibadda oo iyagu hal boole u ah indhaha Caalamka, waxa ayna ku midoobayaan dhameystirka amuuraha la xiriira Badda Somalia.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Aqalka dalka looga arimiyo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in miisaaniyada ugu badan xiligaani ay kusoo dhacdo qasnada Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha Dibadda oo laba mushaar ka kala qaata Dowlada iyo Beesha Caalamka.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Magacaabista C/raxmaan C/shakuur uu lahaa Ra’isul wasaaraha dalka kadib markii uu Madaxweyne Xassan ku wargaliyay in shaqsi ahaantiisa ay ku adkaaneyso dhameystirka beecinta Badda, bacdamaa C/raxmaan C/shakuur uu yahay shaqsi kaalin weyn ku leh iibinta Badda.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar waxa ay iminka arrimaha Beesha Caalamka u wakiisheen C/raxmaan C/shakuur oo uu qorshuhu yahay in Caalamka uu ka iibiyo in Kenya qeybta badda ee uu muranka ka taagan yahay loo xalaaleeyo.

Tan waxa ay muujineysaa in shaqada DF Somalia ay kusoo biyo shubatay 2 arrin oo ah in Dhaqaalaha dalka uu ku dhaco qasnad gaar ah iyo in Badda Somalia loo gacangaliyo Dowlada Kenya, waxa ayna ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in Ducumiintiyada loo gudbiyay Maxkamada Cadaalada Seddex meelood hal meel iyo bar ay ka maqan yihiin si loo dib dhigo arrinta muranka sida uu dhigaayo Heshiis hoosaad ay DF la gashay Kenya.

Wasiirka arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye ayaa Kenya ku saxiixay in DF Somalia aysan ka gaabin doonin Arrinta Muranka Badda Somalia, balse Heshiiska uu ahaan doono mid taagan si meesha looga saaro shakiga laga qabo in weli uu yahay mid taagan mashruuca lagu iibgeynaayo Badda.

Isku soo wada duube dhamaan arrimahaani ayaa daaha ka rogaaya in Wakhtiga ka harsan doorashada dalka lagu dhameystiri doono qorshooyinka Madaxweyne Xassan, Ra’isul wasaare Cumar iyo C/salaan Hadliye u maleegayaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com