Xad badeedka Somalia & Kenya oo la cadeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Cilmi baarista Badaha Somalia, ayaa si qoto dheer uga hadashay muran badeedka u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya.

Guddoomiyaha Hay’adaha Badda Somalia Admiral Faarax Qarre, ayaa sheegay in talaabooyinka ay qaadeyso Kenya ay tahay mid daan-daansi ah, islamarkaana xuduuda labada bad ay tahay mid iska cad oo ay Caalamku ogyihiin.

Hadalkaani ayuu sheegay xili uu ka qeybgalaayay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in xiliyadii gumeystaha Talyaaniga iyo Ingiriiska ee kala gumeystay Somalia iyo Kenya uu xadkaasi jiray.

Wuxuu tilmaamay in xiliga gumeystaha la asteeyay Sodinta islamarkaana ay tahay xariijin ka baxda Xeebaha Badda Somalia oo gasha Badda Kenya, hayeeshee Kenya ay xariijintaasi dib ugu soo celisay Xeebaha Somalia si ay boob ugu sameyso Biyaha Somalia.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adaha Badda Somalia Admiral Faarax Qarre, ayaa farta ku goday in hamiga boobka Kenya uu imaaday sanadii 2005 oo uu sheegay in Dowlada Kenya ay kusoo baraarugtay in Somalia aysan laheyn awood ay ku difaacato badeeda.

Waxa uu sheegay in Dowlada Kenya ay iska indha sarcaadineyso xaqiiqda jirta, waxa uuna farta ku goday in Somalia looga baahan yahay Khubaro farabadan oo aqoon u leh arrimaha badda si ay uga qeybqaatan muranka Somalia kala dhexeeya Kenya.

Dacwada Badda Somalia ayuu sheegay in la gaarsiiyay dhamaan Xafiisyada Caalamka ee ku shaqada leh murunada badda si ay ula socdaan xaalada boobka badda.

Geesta kale, Admiral Faarax Qarre, ayaa rajo muuqata ka muujiyay dib ula soo laabashada qeybta Kenya ay ka boobtay Badda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com