‘Axmed Madoobe ama xabsi’, shirkii Dooloow oo weji kale yeeshey iyo CC oo muujiyey in dalka…

Doolow (Caasimada Online) – Shirkii ka socday deegaanka Doolow ee arrinta Jubbaland, ayaa weji kale yeeshey kadib markii hanjabaad adag loo jeediyey xubnihii ka socday gobolka Gedo ee diidanaa maamulka Axmed Madoobe.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in afar Jeneral oo Ethiopian ah ay reer Gedo ugu hanjabeen inay raacaan maamulka Axmed Madoobe ama xabsi la dhigi doono oo aysan ka bixi doonin Doolow.

Siyaasiyiinta ay Ethiopia ay u hanjabtay ayaa kala ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, Maxamuud Sayid Aadan, Cabdi Shire Warsame, Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax) iyo xubno kale.

Raggan Soomaalida ah, ayaa si deg deg ah u diiday dalabka Ethiopia, waxayna si cad u sheegeen inaysan marnaba qasab ku taageeri doonin maamulka Axmed Madoobe.

Sida wararku sheegayaan xubno xildhibaanno ah oo jooga Muqdisho oo kasoo jeeda Gedo ayaa falka saraakiisha Ethiopian-ka ah gaarsiiyey ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, si uu wax uga qabto. Hase yeeshee xildhibaanada ayaa yaab ay ku noqotay kadib markii ra’iisul wasaare Cumar la xiriiray safaaradda Ethiopia ee Muqdisho, isaga taleefon kaga codsaday safiir ku xigeenka in siyaasiyiinta Doolow lagu xanibay lasii daayo.

“Markii ra’iisul wasaaraha la hadlay safiir ku xigeen, welibna u ekaa qof baryootamaya, waxaan ogaaday in dalkan la haysto, oo Somalia tahay qeyb Ethiopia ka mid ah” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada la kulmay ra’iisul wasaaraha.

Xaaladda shirka Doolow ayaa weli ah mid ismarin waa ah, waxaana caddeyn halka ay ku dhammaan doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com