Xog: Qorshaha Xasan ee golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu qorsho adag ka damacsan yahay Isku shaandheynta Xukuumada Somalia ee uu dadaalkeedu socdo.

Madaxweyne Xassan ayaa doonaya in Xukuumada Cusub uu u badiyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, gaar ahaan kuwa ugu miisaanka culus ee saameynta ku dhex leh Golaha Baarlamaanka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadaasi ay diyaar u yihiin in Madaxweynaha ay kala shaqeeyaan doorashooyinka soo socda, waa hadii uu Xassan u magacaabo xilal ay ku qancaan.

Xildhibaanada laga yaabo in lagu soo biiriyo Xukuumada cusub ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore warfaafinta Mustaf dhuxulow waxana uu badali doonaan wasiirka hadda wasaaradaasi haya Wasiir Maareye.

Sido kale wasiiradda soo noqonaya waxaa kamid ah Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana laga baqdin qabaa in ay baxaan Wasiiradda Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Mustaf Dhuxulow iyo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kamid ah Xildhibaanada saameynta ku dhex leh BF Somalia, waxa uuna heshiisku yahay in tiro Xildhibaano ah lagu soo biiriyo Xukuumada si Madaxweynaha ay uga saacidaan dhanka Doorashada.

Liiska oo an si dhab ah u helin haddana waxaa jirta hadalheenta isku shaandheenta golaha Wasiiradda oo ay xilalkooda kuweyn doonaan Wasiiro farabadan.

Dhanka kale, xogta Caasimada Online ay heshay ayaa waxaa kamid ah in Ra’iisul wasaare ku-xigeen Maxmed Cumar Carta Galib uu tagi doono wasaaradda arimaha dibada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com