Liverpool oo ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixato Sterling.

Liverpool ayaa kalsnooni ku qabta inay da’yarkooda garabka ka ciyaara Raheem Sterling ka saxiixato heshiis cusub oo waqti dheer ah, laakiin waxay ku dhibaatoon doonaan inay mid kaas la mid ah ka dhaadhiciyaan da’yarkooda reer England Martin Kelly, sida uu qorayo Daily Mail.

Sterling, oo 18 jirsaday isbuucii lasoo dhaafay, ayaa wadahadalo la yeeshay agaasimaha Reds Ian Ayre isbuucii hore xilli uu isku deyayey inuu qandaraas cusub ka saxiixo. Labada dhinac ayaa mudo badan wada xaajoonaayey.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay Liverpool ku dhow dahay inay heshiis cusub isku afgartaan xidigaan, kaasoo kulankiisii ugu horeysay ee Engalnd ka hor yimid xulka Sweden bishii hore, wuxuuna kooxda isbuucii mushaar ahaan uga qaadan doonaa 50 kun oo ginni.

Manchester City, Arsenal iyo Manchester United ayaa xidigaan isha ku haayey, Liverpool ayaase ku kalsoon inay haatan qandaraas la gasho xidigeeda.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa yiri ka dib kulankii ay guul darro 3-1 ah kasoo gaartay Aston Villa:  “Raheem ugama welwel qabo kooxo kale. Xaalada qandaraaska Sterling waa la xalin doonaa sida ugu dhaqsaha badan, waan hubaa midaas.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: jangoan@hotmail.com
Caasimada – Mogadishu.