SAF oo aan Walcott ama xidig kale suuqa ka doonaneyn.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaan soo iibsan doonin Theo Walcott ama ciyaaryahan kale inta lagu jiro bisha Janaayo, sida uu qoray Daily Mail.

Macalinka Manchester United, oo kooxdiisu ay lix dhicood horyaalka kaga hugaamineyso Manchester City ka dib markii ay 3-1 ku dubatay Sunderland Sabtidii, ayaa qirtay inuusan ciyaaryahan suuqa ka doonan doonin taas bedelkeedana uu ciyaartoydiisa amaah u diri doono.

Ferguson, oo ay kooxdiisu faa’iido heleyso bartamaha xilli ciyaareedka ayaa aaminsan inuu heysto ciyaartoy ku filan oo uu Horyaalka Premier League, Champions League iyo FA Cup ugu tartamo.

“Hal ciyaaryahan ma keeni doono bisha Janaayo, sida cad maya,” ayuu xaqiijiyey.

Taas micnaheeda ayaa loo fahmay in kooxda ay Manchester ku xafiiltamaan oo diirada u saaran yahay weeraryahanka Atletic Bilbao Fernano Llorente; Chelsea oo diyaar u ah inay lasoo wareegto Weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao iyo Walcott; Liverpool oo dooneysa weeraryahanka Chelsea Daniel Sturridge iyo Tom Ince, inuu macalinka United suuqa u baneeyo uuna u halgamo horyaalkii 20-aad ee Red Devils.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: jangoan@hotmail.com
Caasimada – Mogadishu.